|
Fursaddo waxbarasho oo loo fidiyay qaar ka mid ah Ardeyda degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho
Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Fursaddo waxbarasho oo loo fidiyay qaar ka mid ah Ardeyda degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.
Ururka hormarinta wax barashada Ardayda ee GOSED uu fadhigoodu yahay
magaalada Muqdisho ayaa soo qaban qaabiyay Xaflad Deeq Wax Barasho
lagu Tabarucay in ka badana Lixdan Arday Soomaaliyeed.
Fursada waxa barasho ayaa la siiyay ardayda dhigata dugsiyada hoose
,Dhexe, Sare iyo Jaamacado waxaa si weyn uga faa’ideysan doona
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Iskuulada ku yaala Magaalada
Muqdisho gaar ahaan Ardayda ku dhaqan Degmada Dharkeenley.
Godoomiyaha Ururka hormarinta wax barashada Ardayda ee GOSED Axmed
Sheekh Xasan oo hadal ka jeediyey Xafladan ayaa sheegay in wax barasho
Lacag la’aan ah oo ka kooban heerar waliba oo iskugu jiraan Jaamacad
iyo kuwa kale ee Asasiga ah in uu u helay Ardayda deegaanka, waxuuna
intaa ku daray ineysan jirin cid ku garab ku siinaysa deeqdan isla
markaana ay ugu tala galeen in ay ugu faa’ideeyaan Arday Soomaaliyeed
oo aan Awood u laheyn in ay iska bixiyaan tasii laadka ama acagaha
waxbarashada.
“waxaan ugu talo galnay qorshahan in uu noqdo wajiga Koowad Ururka
waxaa u dagsan qorshe in uu sanadkaani ilaa Sanadka dambe uu
gaarsiiyo deeqda wax barasho Ilaa Kun Arday, qarashka waxaa naga
bixiyay oo Ururka u kifaallo qaaday Ardayda waxbarashadooda in ay
bixiyaan qaar ka mid ah Jaalidaha banaanka iyo waliba qaar gudaha ku
sugan”. sidana waxaa yiri Axmed Sheekh.
Xaflada oo aad u balaarney ayaa ka soo qeyb galay Waalidiinta
Ardayda , mas’uuliyiinta Ururka GOSED, Aqoonyahano, Culimaa’udiin iyo
Maamulka Degmada Dharkenley, waxaana ka hadlay Fursadaha waxbarasho
ee loo fidiyay qaar ka mid ah ardeyda degmada Dharkeenley dad badan
sida Sheekh Cabdulaahi Xooshow, Aadan Maxamed Cumar, Muxudiin Maxamed
Cumar, Geedi Maxamuud Maxamed, Cali Axmed , Sheekh Yuusuf Jimcaale oo
intoodaba si wanaagsan u cabireen qeymaha ay wax barashada u leedahay
ubadka in wax la baro, “BERI HORE WAXAY AHEYD WAX BARO ISKANA BIXIYA,
BERIGA WAXAAN HEYNAA WAR DHAHAYA WAXBARO ANAGAA KAA BIXINEYNA”.
sidaana waxa yiri Sheekh Yuusuf Jimcaale oo ku hadlayay magaca
waalidiinta.
Ugu dambeentii waxaa ka hadlay Guddoomiyahay Degmada Dharkenlay
Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo aad ugu faraxsaan in uu gudoonsiiyo
Fursaddo waxbarasho Ardayda Soomaaliyeed.
“waa fursad fiican oo ku dayasho mudan ayna tahay in arrinkaan
Walidiinta ugu faa’ideeyaan Carruur tooda, Waxaana lagu deydaa Aqoonta
Ninka kaaga fiican si aad u kororsataa wanaaga aqoontana in laga
faa’ideesto ayaan soo jeedinayaa, dhanka Xukuumada cusubna waxaa ka
rajeynayaa in ay hergeliyaan Dugsiyo Lacag la’aan ah , Insha Allaah
haduu Alle yiraahdo is gacan qabsi iyo Dadaal badan in dhalintaani ay
wax barashadu wado ayaan ka rajeynayaa mustaqbalka ”.
Magaalada Muqdisho ayaa noqotay xarun ay usoo tartamayaa shacabka
dibad jooga ah si ay wax ula qabsadaan ama ay u abuuraan mashaariin ku
aadna dhanka horumarinta Bulshada Soomaaliyeed.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|