|
Agaasimaha guud ee UNESCO oo dowladda Soomaaliya u soo jeediyay inay sameyso wax kasta oo lagu joojinayo beegsiga wariyeyaasha Soomaaliyeed
Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Agaasimaha guud ee UNESCO oo dowladda Soomaaliya u soo jeediyay inay sameyso wax kasta oo lagu joojinayo beegsiga wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Heyadda QM u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa ku baaqday in wax laga qabto dilalka ka dhanka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee UNESCO Irina Bokova ayaa war saxaafadeed ay soo saartay maanta kaga dalbatay dowladda Soomaaliya inay sameyso wax kasta oo lagu joojinayo beegsiga wariyeyaasha Soomaaliyeed oo sanadkan keliya la dilay sideed suxufi.
Mrs. Bokova ayaa weydiisatay maamullada Soomaalida xaqiijinta ammaanka shakhsiyaadka ka shaqeeyo warbaahinta guud ahaan Soomaaliya, waxayna intaas ku dartay in xorriyadda saxaafadda ay muhim u tahay Soomaaliya.
‘’Wariyeyaashu waa in ay awoodaan in ay dadka wargeliyaan iyagoo aanay u baqeyn naftooda’’, ayey tiri agaasimaha UNESCO oo qeexday in madax-bannaanida warbaahinta ay aas-aasi u tahay dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Irina Bokova waxay cambaareysay dilkii ugu dambeeyey ee 12-kii bishan magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Maxamed Cali Khayre.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|