|
Dagaalka Billionairada Ruushka ee maxkamada British-ka. =Faallo=
Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaalka Billionairada Ruushka ee maxkamada British-ka. =Faallo=
Dagaal dhinaca shacriga ah ayaa maxkamada LONDON uga socda billionairada Ruushka, Roman Abramovich, iyo Boris Berezovsky oo shirkad dhinaca ganacsiga kala ahaa, Berezovsky ayaa ku eedeeyay mulkiilaha kooxda kubada cagta ee CHELSEA in uu doonayo in uu si xoog ah ku iibsado shirkada shidaalka oo ah tan afraad ee ugu weyn dalka RUSIA ee loo yaqaan LUK OIL.
Abramovich ayaa ah ninka 68 - aad ee ugu lacagta badan aduunka wuxuuna heystaa lacag gaareysa 12 billion oo dollar , waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka u dhaxeeya labada billionair ee Rusia in uu dibada usoo saaro waxyaabo sir ah oo qarsoon oo raad ku yeelan kara ganacsigooda.
Jullian Assange oo Mareykanka ku eedeeyay in uu sii wado bassanimada Internerka isagoo si toos ah u adeegsanaya GOOGLE- ka.
Asaasiha WIKILEAKA Jullian Paul Assange ayaa markii labaad jebiyay aamusnaantiisii tan markii uu Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Ecuador Ricardo Patino 16-kii august shir jaraaid ku cadeeyay in uu dalkiisa siinayo magen gelyo siyaasdeed Assange, 16 kii June 2012 ayuuna assange ka codsaday magengelyo siyaasadeed Ecuador, wuxuuna Assange haatan dowlada Ameerikaanka ku eedeeyay in ay sii wado basaasnimada internetka iyagoo si toos ah u adeegsanaya GOOG-laha.
Assange waa nin u dhashay dalka Australia wuxuuna ku dhashay magaalada TownsVilee 3-dii July 1971 -kii waana Tifaftire, qoraa, iyo waliba asaasaha iyo afhayeenka WIKILEAKS, wuxuuna helay abaal marino badan oo eey ku jirto abaal marinta caalamiga ah ee saxaafada oo ay siisay Amnesty International, 2010 akhristayaasha wargeyska TIME MAGAZINE ayaa u xushay qoraha sandka, sidoo kale 2011 bilad dahab ah oo ay siisay SYDNEY PEACE FOUNDATION, halka uu isla sanadkaas 2011 Marshal Gelhom Prize journalism.
2002 ilaa 2005 Assange wuxuu galay jaamacadaha Melbourne University iyo canberra University wuxuuna bartay FIISIKIS iyo Xisaab.
Waxaa Diyaariyay:
Muuse Maxamed Cusmaan
Uganda - Kampala
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|