|
Ismiidaamin ay ku dhinteen dad ay wariyaal ka mid ahaayeen oo Caawa
ka dhacday Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho
Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ismiidaamin ay ku dhinteen dad ay wariyaal ka mid ahaayeen oo Caawa
ka dhacday Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho
Wax yar ka hor xiligii Salaada Maqrib ilaa laba qarax oo ay ku
dhinteen dad lagu qiyaasay ilaa 15 ruux ayaa caawa waxaa uu ay ka
dhaceen Magaalada Muqdisho.
Wariyaasha la xaqiijiyay in ay qaraxa ku dhinteen ayaa waxaa ka
mid ah madaxii wararka ee TVga Qaranka C/sataar Daahir Sabriyo iyo
Liibaan Cali Nuur oo isna ahaa Tafaftirihii TVga dowlada iyo C/raxmaan
Yaasiin Agaasimahii Idaacada Raadiyo Xamar ee VOD dad goobjoog ahaa
xiliga uu Qaraxu dhacay ayaa warfidiyeenka u sheegay in laba ruux oo
lagu soo rakibay walxaha Qarxa in ay gudaha u galeen Maqaayad lagu
Magacaabo Village oo dhabarka ku haysa Dhismaha Hooyooyinka ee
Muqdisho gaar ahaan waxaa ay abaareen qeybta Martida ama VIPda halkaas
oo ay ku sugnaayeen wariyaasha geeriyooday iyo dadweyne Soomaaliyeed
oo Xiligaas faraxsanaa laakin mudo daqiiqad gudaheed ayeey farxadu
isbadashay ka dib markii Kooxda Dhagarqabayaashu ay naftoodii haligeen
dad aan waxba galabsana ay la tageen.
Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa lageeyay Isbitaalka
Madiina dadka goobta ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa
shaqaalahii maqaayada
Xiliyadii ugu dambeeyay Kooxda Alshabaab waxaa ay bilaawday mar
hadii loga guuleystay dagaalada beegsiga goobaha ay joogaan dadka
shacabka dadka qiimeeya Jabhadaha iyo marka ay gaaraan xaaladahan oo
kale waxaa ay ku tilmaameen in ay marqaati u tahay awoodooda oo
wiiqantay iyo in ay dhamaatay rajadii ay ka lahaayeen in ay dadka dib
ugu soo laabtaan
Hadii aanu Nahay Bahda Shabakada wararka ee somaliweyn.com waxaan
tacsi u direenaa dhamaan dadkii ku shahiiday weerarkaas naftii
haligaha ku dilay dad aan wax dambi ah galin gaar ahaan waxaan si
khushuuc ku jiro aan ugu tacsiyadeeneeynaa ehelada iyo asxaabta
wariyaashii ku shahiiday weerarkaas dulmiga iyo axmaqnimada isugu
jiray oo ay kooxda Alshabaab ku dishay dadka Shicibka ah
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|