|
Xaflad siweyn loosoo agaaismaya laguna taageerayay Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya PROF. xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu qabtay wadanka Finland
Helsinki Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xaflad siweyn loosoo agaaismaya laguna taageerayay Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya PROF. xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu qabtay wadanka Finland.
Xafladan oo aheyd mid siweyn loosoo agasimaya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururuka Somaliliito oo ah urur kadhisan wadanka Finland.
waxaana lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sh Maxamud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan jawaari.
Munaasabadana oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kal duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, aqoonyaho, waxgarad, iyo qaar ka mdi ah haweenka soomaliyeed ee ku Nool Wadanaka Finland kasoo qeybgalayaashii munaasabadan ayaa u mahadceliyay Madaweynihii hore Sheekh Shariif Axmed isla markaana waxaa ay ku tilmaamen inuu yahay geesi kudayasho mudan oo ay dareeenimo soomaalinimo kujirto.
Gud. Somaliliitto Saciid Carshe oo hadalo koobaan halkaas ka jeediyaya ayaa ugu baaqay dhaman umadda soomaaliyed meelwalbo ay joogaan in ay taageeraan madaxweynaha cusub iyo xukuumada uu so dhisi doono waxaana uu guul ku tilmaamay in xiligan soomaaliya gudaheeda lagu doortay madaxweyne cusub.
Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xaflada ayaa hogaanka cusub ee somalia ku sheegay in uu yahay mid si xor ah loo soo doortay, maadaama ay yihiin wejiyo ku cusub siyaada, waxayna xuseen inay taageeri doonaan isla markaana ay la shaqeyn doonaa, iyagoona ugu baaqay umadda Soonmaaliyed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeyaa dowladda cusub ee Somaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Helsinki ayaa wax laga xumaado kutilmaamay hadalkii kasoo yeeray dowlada kiinya ee sheegay in sheekh shariif uu kadanbeeyaya qaraxii lagu weeraray madaxweynaha cususb ee Soomaaaliya waxaana ay ku amreen dowlada kiinya in ay raaligelin ka bixiso hadalkaas gafka ah.
Ugu dambeyn Munaasabadan taageerada aheyd oo isugu jirta mid Casho, Khudbado, iyo buraanburo ay jeediyeen dadweynihii ka soo qeyb galay, ayaa waxay kusoo gaba gaboowday jawi aad u wanaagsan.







Nadifo Ali Shador
Helsinki - Finland
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|