|
Fu'aad Shongolle: "Aniga ma ihi Nin jiifa Gurigiisa, waxaan ku jiraa safka hore ee Dagaalka ka socda Jubada hoose, waxaan idin leeyahay isoo Garab istaaga oo dagaalka ka qayb gala.."
Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Fu'aad Shongolle: "Aniga ma ihi Nin jiifa Gurigiisa, waxaan ku jiraa safka hore ee Dagaalka ka socda Jubada hoose, waxaan idin leeyahay isoo Garab istaaga oo dagaalka ka qayb gala.."
Fu'aad Maxamed Khalaf Shongole oo ka mid ah Saraakiisha dacwada Ururka Al-Shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray qaybaha kala Duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose, waxaana uu ugu Baaqay inay ka qayb galaan Dagaalka lagu Difaacayo Magaaladaasi oo hada ay ku loolamayaan dhowr awoodooda oo iska soo horjeeda.
"Shacabka kismaayo waa in aad ogaataan in Difaaca Magaalada Kismaayo uusan waajib ku ahayn oo kaliya Xarakada Al-Shabaab, waxaa la idinka rabaa in aad ka qayb gashaan Dagaalkaasi si gaar ah waxaan ula hadlayaa Dhalinyarada Magaalada Kismaayo ku dhaqan waxaan idin leeyahay ka qayb gala dagaalka ay Mujaahidiintu ku jiraan" ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shongole.
Fu'aad Shongole waxa uu sheegay inaysan ahayn in dagaalka looga qayb galo maal iyo af, laakiin waxa uu sheegay inay muhiimadu tahay in la huro nafta oo Cadawga laga hortago ayuu sheegay Fu'aad Maxamed Khalaf.
Waxa kale oo uu sheegay Shongole in uu Mudan yahay inay isaga ku daysadaan dadka Reer Kismaayo, "Aniga ma ihi Nin jiifa Gurigiisa, waxaan ku jiraa safka hore ee Dagaalka ka socda Jubada hoose, waxaan idin leeyahay isoo Garab istaaga oo dagaalka ka qayb gala " ayuu yiri Fu'aad Shongole.
Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubada hoose ayaa Mudooyinkii Dambe waxay ahaayeen dadka ku dhaqani kuwo ku jaha wareersan sida ay wax u socdaan, Ciidamada iyo Saraakiisha Al-Shabaab ayaa isaga Baxay Maalmo ka hor waxaana halkaas iska cararay dad aad ufara badan oo ka cabsanaya in dhibaato qabsato, Maalmo kadib ayay Al-Shabaab Dib ugu soo celiyeen Ciidamadii Magaalada Kismaayo iyagoo Idaacadii ku hadli jirtay afkoodana dib halkaasi uga furay, waxayna taasi salka ku haysaa hadalka ka soo yeeray Afayeenka Al-Shabaab Cali Raage oo Sheegay inaysan Kismaayo ka bixi doonin .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|