Somali News
    Hees  

Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada oo la kulmey Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Kenya

Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada oo la kulmey Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Kenya si uu ugala hadlo walaaca uu ka qabo arrimaha bani’aadamnimada

Nayroobi (19 Sebtembar 2012) – Ka dib dagaalladii xoogganaa ee dhowaan ka dhacan meelo u dhow Kismaayo iyo barokaca dadka rayidka ah ay ka barokacayaan magaalada ee aad kor u kacay, ayaa Madaxa iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mark Bowden, uu maanta la kulmey
Wasiirka Difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya, Gen. Julius W. Karangi, si uu ugala munaaqashoodo ilaalinta dadka rayidka ah inta ay jiraan hawlgallada mileteri ee hadda socda. Kulanka ka dib, Mudane Bowden waxaa uu yiri:

Maanta, Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya waxaa uu ii xaqiijiyey in Ciidamada Difaaca Kenya ay sameynayaan wax kasta oo suuragal ah si ay u yareeyaan saameynta hawlgalka mileteri ee socda uu ku yeelanayo dadka rayidka ah. Wasiirka waxaa uu sidoo kale ii sheegey in Ciidamada Difaaca
Kenya ay gacan ka geysanayaan hubinta in gargaarka bani’aadamnimada uu gaaro dhammaan dadka u baahan.

In kasta oo hawl-wadeennada bani’aadamnimadu ay mar kasta yihiin dhexdhexaad ayna gebi ahaanba ka madax-bannaan yihiin geeddi-socodyada mileteri iyo kuwa siyaasadeed, haddana waxaa ay ku tiirsan yihiin dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan dadka u baahan gargaarka. Waan soo dhoweynayaa ballanqaadka Kenya waxaana aan mar kale ku celinayaa baaqeygii aan dhammaan dhinacyada ku lug leh colaadda ugu baaqayey in ay dadaal kasta ku bixiyaan sidii loo yareyn lahaa saameynta ay colaaddu ku leedahay dadka
rayidka ah iyo in ay oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro dhammaan dadka u baahan.

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:
Russell Geekie geekie@un.org ama +254 731 043 156
ama faallo Af-soomaali ah kala soo xiriir
Abdi Yussuf Noor nooryussuf@un.org ama +254 734 210 103

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)