Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Jiritaanka kooxda Shabaab waxaa ka harsan maalmo yar, Shalaayga iyo khasaarahana iyagaa ku dambeynaya.."

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan Sheekh: "Jiritaanka kooxda Shabaab waxaa ka harsan maalmo yar, Shalaayga iyo khasaarahana iyagaa ku dambeynaya.."

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid dadkii shacabka ahaa iyo wariyeyaashii ku geeriyooday qaraxii maleeshiyada Al-Shabaab ku qarxiyeen maqaayad lagu shaaho oo ku taala guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

"Waa arin aad iyo aad dembi u ah oo Ilaah agtiisa dambi ka ah, shacabka Soomaaliyeed xagoodana dambi ka ah, waa fal fool xun oo shacabka Soomaaliyeed lagu dabarjarayo,waxaana uga tacsiyeynayaa shacabka guud ahaanba dadkii halkaasi ku geeriyooday, kuwa dhaawacmayna Alle ha caafiyo ayaan leeyahay" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo Shacabka kala hadlay Warbaahinta Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto ammaanka dalka, waxaana uu kooxaha falkaasi geystay ku sifeeyey iney yihiin kooxo aan wax rajo ah ka laheyn aduun iyo aakhiraba. islamarkaana laga qaadi doono talaabo kasta oo amniga lagu xaqiijinayo.

"Kooxahan waxaan u sheegayaa ineysan umadaan baabi’in karin kana leexin Karin hadafka dowladnimo ,dadka Soomaaliyeed oo aan dambi gelin ayaa la daliyaa hadafka umadaan isbedeli maayo, umadaan nabad way rabtaa,dowladnimana waa rabtaa kooxaha falkaan geysanayana waa kooxo aan wax rajo ah laheyn oo aduun iyo aakhiraba ka quustay"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed u sheegay in waxyaabaha dhacaya ay sabab u ahaayeen dowlad la'aanta, wuxuuna sheegay in kooxaha fidnada ku wada shacbiga ay ka harsan yihiin jiritaankooda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)