|
Cali Dheere: "Taageerayaasheena ayaa fuliyay Qaraxyadii ka dhacay shalay Muqdiso.."
Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere: "Taageerayaasheena ayaa fuliyay Qaraxyadii ka dhacay shalay Muqdiso.."
Afhayeenka Ururka Al-shabab Cali Maxamuud Raage "Cali dheere" ayaa ka hadlay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay maqaayad lagu qaxweeyo oo ka soo horjeeda Tiyartarkii qaranka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Cali dheere ayaa iska fogeeyay isagoo u waramayay wakaalada wararka AFP, waxanaa uu beeniyay in qaraxayadaasi aysan fulin rag ka tirsan kooxda Al-shababa hase yeeshee waxaa uu xusay in qaraxyadaasi ay ka danbeeyeen rag ka xun in nabada ka dhalato soomaaliya oo taageersan Mabaadiida Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday Cali dheere in qaraxaasi aysan amrin Al-shabaab balse dusha loo saaray, waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasto oo weerareyso meelaha ay joogaan dowlada.
Hadalka ka soo yeeray Al-qaacidada Soomaaliya ee Al-shabaab ayaa jahwareer ka dhaxabuuri kara dadka Soomaaliyeed, iyadoo arintani ay ku soo adeyso xili 10-maamlood oo kaliya uu xilka haayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|