Somali News
    Hees  

QM iyo dowladda ingiriiska oo cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


QM iyo dowladda ingiriiska oo cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa

Ergeyga QM u qaabilsan arimaha Somalia Ambassador Augustine P. Mahiga ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Bar Villege oo ku taala xamar weyne halkaas oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo odoyaal, wariyayaal iyo dad soo shaqo tagayba isugu jira.

Ambassador Augustine P. Mahiga waxa uu qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo ay ka dambeeyeen dad naxariistii ay ka guurtay kuwaas oo caadeystay dhiiga dadka rayidka ah islamarkaana ka soo horjeeda in somalia ay ka baxdo dhibaatadii 21ka sano ay la soo daala dhaceysay waa sida uu hadalka u dhigay.

U qaabilsanaha QM ee arimaha Somalia waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku yiri"waxaan si aad ah u cambaareenayaa falkii naxariis darrada ahaa ee lagu beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa maqaaxi ku taala degmada Xamar weyne , waxana uu ku soo aaday xilli shacabka soomaaliyeed ay u
muuqaneyso yididiilo ku aadan nabad iyo dowladnimo oo sanado badan ay baadi goob ugu jireen , mana dhaceyso in dad aan ogoleen nabadda ay hor istaagaan hanaanka hadda socda".

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ambassador Augustine P. Mahiga waxa uu tacsi ugu diray eheladii ay ka soo jeedaan wariyayaashii iyo dadkii kale ee rayidka ahaa ee ku dhuntay qaraxaasi ismiidaaminta ah , isagoo
sidoo caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee ku jira isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa isna qaraxii ismiidaaminta ahaa cambaareeyay Mark Simmonds oo wasaaradda arimaha dibadda dowladda ingiriiska u qaabilsan, waxana uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladda ingiriiska ay tacsi u direyso ehelada dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)