Somali News
    Hees  

Yaa U soo Baxay Wareega kama Dambeysta ee Codeyntii 4 Geesoodka Fanka

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Yaa U soo Baxay Wareega kama Dambeysta ee Codeyntii 4 Geesoodka Fanka ............

Waxaa La soo Gaba gabeeyay Xalay Wareega 2 codeyntii 4Geesoodka Fanka 2012-2013 waxaana Codeynta Waereega Labaad oo aheyd mid adag ay Natiijadii Noqotay sidatan iyadoo socotay Mudadii u dhaxeysay 9-19 Sabtembar 2012


wareegaan oo ah mid adag ayaa waxa uu socday 9-19 Sabtembar 2012,waxaan 4ta Santuuq Santuuqa A v B ka soo bixi doona 2 Abwaan iyo 2 Mulaxamiiste ee ugu cod bata kuwaasoo fooda isku dari doona Finalka,halka Santuuqa C iyo D ee dhinaca Heesaaga Wiilasha iyo hablaha ay u gudbi doonaan Wareega Kama dambeysta 3 Hobol ee ugu Cod bata Santuuqa C iyo Santuuqa D iyadoo codeyntu aanta Gashay maalintii 5 isala markaana loolanku sii xoogeystay

Santuuqa A............... Santuuqa Abwaanada. waxa ay noqotay Natiijadii Codeynta

Abwaan Cabdirashiid Sheekh Biixi waxa uu helay 11 cod

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame 4 cod

Abwaan Saciid Sh. Abuubakar'ilko jiir' 7 cod

Abwaan Maxamuud Cumar Yare 3 cod

waxaa Halaabay 2 cod.

Wareega Finalka waxaa isagu soo Haray 2 Abwaan ee kala ah Cabdirashiid Sheekh BIixi vs Abwaan Saciid Sheekh Abuukar' Ilko Jiir'

Santuuqa B................. Santuuqa Mulaxamiistaha waxa ay noqotay Natiijadii codeynta

Maxamed Karaama waxa uu helay 15 cod

Maxamed Qaasim Naaji waxa uu helay 4 cod

Bashiir Hanuuniye waxa uu helay 2 cod

Xasan Cujeer Cajabin waxa uu helay 6 cod

Waxaa halaabay 1 cod

Wareega kama Dambeysta Waxa isagu soo Haray Maxamed karaama iyo Xasan Cujeer cajabi

Santuuqa C.................... Santuuqa Fanaaniinta Dhinaca Wiilasha natiijadii waxa ay noqotay sidaan

Axmed Cabdikariin Maxamed' Axmed Biif' waxa uun helay 17 cod

Cabdi shire Jaamac 'Jooqle' waxa uu helay 11 cod

Saciid Daauud Cali Masxaf waxa uu helay 5 cod

Cabdifitaax Axmed Tacabir' Cabdifitaax Yare' 9 cod

Fuaad Cumar Yare waxa uu helay 6 cod

Maxamed Daauud ' M.Jacbur' waxa uu helay 0


Wareega Finalka Waxaa u Gudbay Axmed Biif,Jooqle iyo Cabdifitaax Yare

Santuuqa D..................... Santuuqa Fanaaninta dhinaca Dumarka waxaa ay u dhacday Codeyntii

Saynab 2 dhagax waxa au heshay 5 cod

Xaawo kiin waxa ay heshay 7 cod

Falis Cabdi waxa ay heshay 6 cod

Ikraan Caraale waxa ay heshay 6 cod

Farxiyo Fiska waxa ay heshay 5 cod

Surqa yareey waxa ay heshay 4 cod

Wareega Finalka waxa au soo gudbay Xaawo Kiin, Ikraan Caraale, iyo Falis Cabdi Falis

Wareega Finalka ayaa Bilaaban doona maalmaha soo socda hadii Alle idmo.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)