|
Haweeney 86 sanno jir ah oo u dhalatay dalka Uganda oo muslintay
Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Haweeney 86 sanno jir ah oo u dhalatay dalka Uganda oo muslintay.
Haweeney la oran jiray Pereketwa namagembe oo degan Kasuna trading center oo ka tirsan magaalada MASAKA ee dalka Uganda ayaa ka yaabisay dadkii dariska la haa kadib markii ay u sheegtay in ay go'aansatay in ay MUSLINTO.
Haweeneyda ayaa u yeertay hogaamiyada Masjidka KIDDA Sheikh Ali Bukeyna waxeyna ka codsatay in uu TOWXIIDKA u qabto, sidaas ayeyna ku muslintay waxeyna la baxday magac cusub kaas oo ah SAINAB.
"Aniga ayaa go'aansadfay in aan MUSLIMO xitaa hadii ay qaraabadeyda iga diidaankama laabanayo" ayey tiri Sainab oo sheegtay in ay tuhunsa tahayn marka ay dhimato in aaney qaraabadeeda ku duugayn qabriga aabaheed agtiisa.
Haweeney SAINAB ee 86 sano jirka waa ay liibaantay KHAATUMADA ayaana EEBE u toosiyay, waxaana leenahay ALLAHA ka bad baadiyo sharta qoyskeeda maadaama ay kala diin noqdeen lana hubo in ay cadaawad weyn u qaadayaan.
Oromait Micchael oo noqotay qofka ugu da'da yaraa ee abid soo mara baarlamaanka dalka Uganda
Gabadha da'da yar ee lagu magacaabo Ormait Michael ayaa noqotay qofka ugu yar baarlamaanka dalka Uganda kadib markii ay kursiga kaga guuleysatay 8 musharax oo la tar tamayey, waxeyna heshay 11o59 cod halka musharixii kusoo xigay uu helay 5329 cod oo kaliya.
Oromait waxey dhalatay 7-diiNovember 1992 waana cunuga 2-aad ee qoyska oo ka kooban 10 caruurah, Oromait aabaheed ayaa ka geeriyooday kursiga xildhibaanimada bishii July ee isla sanadkan , waana ardayad wax ka barata jaacada KIRISHTANKA Christian University, waxeyna Ormait noqoneysaa qofkii ugu yaraa eeabid ka mid noqda baarlamaanka dalka Uganda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|