Somali News
    Hees  

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo wata hubkooda oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Qalimow

Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo wata hubkooda oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Qalimow.

Gaashaanle Muqtaar Xasan Tifow (Shaahmacabe) Taliya guutada Labaad ee Gaaska Koowaad ayaa sheegay in ciidamada Dowladda waaberigii saakay ka dhaqaaqeen Degmada Balcad, haddana ay ku sii wajahan yihiin degmada Jowhar, isagoo dhinaca kale sheegay in saakay ay ciidamada isu soo dhiibeen in ka badan Boqol ka tirsanaa Malleeshiyaadka Shabaab oo wata hubkoodii.

‘’Waxaan ku sii wajahannahay Jowhar, isla saakana waxaa ciidamada isu soo dhiibay in ka badan 100 malleeshiyad ah oo ka tirsanaa Shabaab, waxaana raggaasi loo soo qaaday dhinaca Balcad mana jiraan wax khasaare ah oo ilaa hadda na soo gaaray’’ayuu yiri G/lle Muqtaar Xasan Tifow oo sheegay inay saacadaha soo socda geli doonaan Degmada Jowhar.
 
Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyay inay saaka ciidamada isu soo dhiibeen Boqol malleeshiyaad Shabaab ah kuwaas oo isa soo dhiibay intii uu socday howlgalka ay ciidamadu ugu dhaqaaqeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/shexe, waxeyna AMISOM intaa ku dartay in raggaasi dhawaan saxaafadda loo soo bandhigi doono.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in Degmada Jowhar ay haatan tahay mid haawinaysa oo aysan ciidamo joogin, iyadoo howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa malleeshiyaadka Shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)