|
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOJASA) Oo M/weyne Xasan Sheekh Ka Dalbaday Sugidda Amniga Suxufiyiinta, Kuna Baaqay Inay Weriyeyaashu Is-Hubeeyaan
South Africa Sabti 22 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOJASA) Oo M/weyne Xasan Sheekh Ka Dalbaday Sugidda Amniga Suxufiyiinta, Kuna Baaqay Inay Weriyeyaashu Is-Hubeeyaan
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee South Africa (SOJASA) ayaa cod dheer ugu baaqay Dhammaan Weriyeyaasha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan Somalia inaysan eegin shaqadooda warbaahineed oo kaliya ee ay marka hore xaqiijiyaan ammaankooda iyagoo isticmaalaya taatiko kasta oo ay isku difaaci karaan.
"Waxaan dareenkeena si dhab ah ula wadaagaynaa walaalaheena Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabteenii Saxaafadeed ee nolosha adduun loo qoonsaday (20-kii Bishan September), waxaana mar 1aad, 2aad iyo 3-aadba aanu faraynaa Weriyayaasha, Farsamayaqaanada, Kaamiriistayaasha iyo dhammaan inta indhaha umadda ah ee ugaarsiga lagu hayo inay qaadaan tallaabooyin rasmi ah oo ka dhan ah fallaagada Al-Shabaab, islamarkaana ay is hubeeyaan" sidaana waxaa lagu yiri baaq caalami ah oo kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee South Africa (SOJASA).
Maah-maah Saxaafadeed ayaa oranaysa "War waa la heli karaa, balse Naf lama heli karo" hadaba iyadoo taasi laga shidaal qaadanayo ayaa dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay hal meel ugasoo wada jeestaan argagixisadan nabad-diidka ah ee banaysatay dhiigeena iyo dhacaanka shacabka Soomaaliyeed iyagoo ka caraysan Nabadda kasoo islaaxday dalkeena Hooyo ee Somalia 22-sano ka dib ee ay horseedeen Suxufiyiinteena Soomaaliyeed ee u dhabar adeygay soo celinta rajada Umadda.
SOJASA, waxay ku baraarujinaysaa bahdeena Suxufiyiinta inay gacanna Kaamirada iyo Microphone-ka ku qaataan gacanna Bistoolad ama wixii hub kale ah oo ay isaga difaaci karaan dambiilayasaha damiir laawayaasha ah ee dhiiga suxufiyiinta oo qura quuta.
24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa EEBE Naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa si axmaqnimo ah loogu dilay Casaimadda Somalia Madixii Barnaamijyada Telefishinka Qaranka C/sataar Daahir Sabriye iyo Saxaiibkiis Liibaan Cali Nuur oo isna isla Tv-ga Qaranka u ahaa Madaxa Wararka, waxaa sidoo kale nafta la dhaafiyey Agaasimihii Radio Xamar C/raxmaan Yaasiin Cali, dhammaan Suxufiyiintaasi waxaa lagu dilay weerarkii isqarxinta ahaa ee The Village Restaurant, halka Rug-cadaagii Saxaafadeed ee Xasan Yuusuf Absuge toogasho lagu dilay barqanimadii shalay.
Baaqa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee South Africa (SOJASA) oo lagu xusay in sanadkan 2012 oo uu yahay sanadka ugu dilalka badan Suxufiyiinta, ayaa waxaa fariin qaas ah loogu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka dalbaday in xil gaar ah la iska saaro badbaadinta iyo amniga Weriyeyaasha, si la mid ah sida loo damaanad qadao weriyaasha caalamiga ah ee Caasimadda yimaada.
SOJASA
Email: sojasa@live.com
Email : Daauus1@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|