|
Xildhibaan katirsan baarlamaanka cusub oo caawa Muqdisho lagu toogtay
Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhibaan katirsan baarlamaanka cusub oo caawa Muqdisho lagu toogtay
Kooxo Hubeysan ayaa caawa maqribkii ku dilay Xaafada Cali Boolaay ee
degmada Waabari Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabi
jiray Mustaf Xaaji Maxamed, kaasoo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee
dhowaan loo dhaariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka ka dambeeyay oo ahaa ilaa
saddex dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen
Xildhibaanka agagaarka Hoygiisa, markii uu ka soo baxay Salaadii
Maqrib.
Xildhibaakan la dilay ayaa ahaa Sodogii Madaxweynihii hore Sheekh
Shariif, waxaana uu dhalay xaaskiisa labaad.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in ragga dhalinyarada markii ay
toogteen ay durba goobta ka baxsadeen, iyadoo dhaawac xun oo soo
gaaray markii loola cararay Isbitaalka ugu dhintay.
Xildhibaankan la qaarijiyay ayaa noqonaya xildhibaankii u horeeyay oo
ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka lagu dilo magaalada
Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|