Somali News
    Hees  

Taliyaha booliska dowladda kenya oo ka digay in Al-Shabaab Ajaanib ah oo ka soo carartay Kismaayo

Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliyaha booliska dowladda kenya oo ka digay in Al-Shabaab Ajaanib ah oo ka soo carartay Kismaayo doonayaan inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya.

Saraakiisha booliska dowladda kenya ayaa sheegay inay ka digayaan weeraro argigixisinimo ah oo rag ka tirsan al shabab oo aan soomaali aheyn oo ka soo cararay magaalada kismaayo ay ka geestaan dalka kenya .

Taliyaha booliska dowladda kenya Mathew Iteere ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in shacabka kenya looga baahanyahay inay muujiyaan taxadar islamarkaana ay ka la shaqeeyaan ciidamada booliska dowladda kenya qataraha ku soo wajahan oo uu sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in dalka kenya gaar ahaan magaalada nairobi ay ka dhici rabaan weeraro iyo qaraxyo ismiidaamin ah oo Al shabab ay qorsheenayaan waa sida uu warsaxaafadeedkiisa ku yiri Mathew Iteere.

Taliyaha booliska dowladda kenya ayaa tilmaamay in rag ajaanib ah oo Al shabab ka tirsan oo kismaayo isaga soo baxay kuwaas oo kala ah labo nin oo u dhalatay dalka Masar , labo u dhalatay dalka Marooko iyo nin heysta dhalashada dalka faransiiska ay abaabulayaan falal argigixisinimo ah , waxana uu sheegay inay heleen xog ku saabsan inay u soo talaabeen dalka kenya .

Mathew Iteere sarkaalka ugu sareeya ciidamada booliska kenya ayaa sheegay in waqtiyada soo socda ay faafin doonaan sawirada ragaas si looga hortago qorshaha ay abaabulayaan.

Dowladda kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadeeda soo gelisay dalka somalia waxaa dalkeeda ka dhacay weeraro iyo qaraxyo qaar ka tirsan mas’uuliyaddooda ay sheegteen xarakada Al shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)