|
Ciidamo Midawga Afrika ee AMISOM oo shalay Galabta Qarax lagula eegtay Muqdisho
Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ciidamo Midawga Afrika ee AMISOM oo shalay Galabta Qarax lagula eegtay Muqdisho
Askar ka tirsan Kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ayaa shalay Galabta waxaa Qarax lagula eegtay Xaafada Xararyaale Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir Qaraxaas oo la sheegay in uu geystay Khasaaaro Dhimasho Iyo dhaawac.
Khasaaraha Soo gaaray dadka Shacabka ah ayaa waxaa uu Yahay inta la xaqiijiyay Dhimashada haweeney Goobta ka ag dhaweyd iyo dhaawac soo gaaray haweeney kale iyo 2 Caruur ah oo iyana uu gaaray Firirka Qaraxa.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa ka dib waxaa ay rasaas waxaana la sheegay in ay Kooxo hubeysan rasaas is weydaarsadeen Ciidamadaasi Dhinaca kalena Howl gal ay Goobtaasi ka sameeyeen Ciidamadu ayay ku Qab qabteen Dhalin yaro aad ubadan kuwaas oo dadka Deegaanku ay Noo sheegeen in ay ahaayeen Ganacsato.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Si aad ah ugu soo kordhay qaraxyada Isugu jira Ismiidaaminta iyo Kuwa Dhulka lagu aaso iyo waliba kuwa gacanta laga tuuro oo Dhibaatooyin badan u geestay Dad isugu jira Ciidamo iyo dad Shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo ay ku jiraan Asxaab qaali ah oo ka tirsanaa bahda Saxaafada Soomaaliya eek u shaqeysa marxalada Aadka u adage e ka jirta Dalkeena Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|