Somali News
    Hees  

Shir looga hadlaayay Taageerada Dowladda Cusub ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Cape Town, South Africa

Sabti 22 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shir looga hadlaayay Taageerada Dowladda Cusub ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Cape Town, South Africa

Waxaa lasoo gabagabeeyey shirkii soconayey labadii maalmood oo ay iska kaashanayeen SOMCORD, ACORD iyo Wasaarada arimahada South Africa kaasi oo lagu qabtay African Pricde Crystal Hotel ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Shirkani oo ay kasoo qeyb galeen in ka badan laba boqol oo qof oo isugu jira Soomaaliya iyo South African halkaasi oo qudbado ay ka jeediyeen Profsooro dalalk ka baxsan South Africa ka yimid iyagoo xooga saaray is dhex galka bulshooyinka Soomaaliya iyo South Africa iyo sidii loo kaabi lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya.

Haddaba markii uu shirka soo gabagaboobay ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen wasaarada arimaha dibada South Africa, Safaarada Soomaaliya ee South Africa iyo hey’adihii howsha qabanqaabada waday ee SOMCORD iyo ACORD ayaa sheegay in siminaarkani loogu gol lahaa sidii labada dal xiriirkooda loo xoojin lahaa isla markana ay is dhex gal bulsho ay sameeyaan labada shacab.

Mahad Cumar Cabdi oo ah gudoomiyaha hey’adani SOMCORD ayaa sheegay in siminaarkani ay kasoo qeyb galeen Xulka Bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ka mid ahaayen wafuud uu horkayey Safiirka Soomaaliya Siyad Xasan Shariif kuwasi oo ka yimid magaalada Johannsburg.

Si kastaba ha ahaatee shirkani oo ahaa kii ugu horeeyey oo nuuciisa oo kale oo qeyb ka ahaa qaban qaabadiisa hey’ad Soomaaliyeed ayaa wax badan ka badali kara wacyiga hogaamiyasha jaaliyadaha iyo madaxda Dowlada South Africa.






Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo36@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)