Somali News
    Hees  

Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Angola oo iska kaashanaya hirgelinta Shataranjiga Dugsiyada

Mogadishu Axad 23 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Angola oo iska kaashanaya hirgelinta Shataranjiga Dugsiyada

Shirkii caalamiga ahaa ee 83-aad oo looga hadlayay arrimaha Chess-ka adduunka isla markaana dhowaan ku soo gabagaboobay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga ayaa loo xilsaaray wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Angola inay Afrika ka hirgeliyaan Shataranjiga Iskuulada ku yaala wadamada Afrika.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Md. Axmed Xasan Cabdi (Wataac) oo ka mid ahaa wufuudii ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee Shataranjiga Adduunka kana dhacay magaalada Istanbul ayaa ka warbixiyay go'aanada ka soo baxay shirkaas.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Angola loo xilsaaray inay dalalka Afrika ka hirgeliyaan Chess-ka Dugsiyada, isagoo intaasi raaciyay in kulanka ugu horeeya ee ay yeelanayaan xiriirada saddexda wadan uu ka dhacayo dhowaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

"Shirka caalamiga ah ee ka dhacay magaalada Istanbul waxaa lagu gorfeeyay qaabka loo hirgelinayo Shataranjiga Dugsiyada, waxaana laga soo saaray go'aanno muhiim ah" ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Md. Axmed Xasan Cabdi (Wataac).

Dhinaca kale madaxda saddexda wadan ee Xiriirada Shatarnjiga oo intii ay joogeen wadanka Turkiga shir gaar ah ku yeeshay halkaasi ayaa ka wadahadlay qaabka ugu haboon ee loo hirgelinayo Shataranjiga Dusgiyada, waxayna ka soo saareen kulankooda go'aano ku wajahan ajandayaashooda.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)