|
Xaflad Lagu Taageeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday dalka Qatar
Doha Axad 23 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Guud ahaan dalka Qatar ayaa caawa xaflad balaaran ku qabtay Magaalada Doha gaar ahaan Hoyga Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar xafladaas oo lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane. Xasan Sh. Maxamuud.
Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaalida waxaa ka soo qayb galay boqolaal Soomaali ah kuwaas oo isugu jira Saraakiisha Safaaradda, Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoon yahano, Haween, Fanaaniin, Qurba joog ka kala yimi wadamo kala duwan & Guud ahaan qaybaha ay ka kooban tahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar.
Masuuliyiintii ka soo qayb galay Xafladda waxaa ka mid ahaa Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar mudane Mukhtaar Cali Yuusuf, Cabadala Maxamed Caskar (Suzuki) oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Qatar, Sheekh Aadan Sheekh Xassan oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Qatar, guddoomiye ku xigeenka jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar mudane Cabdirashiid Saleebaan Dhayib, ayagoo dhamaan halkaasi ka jeediyay qudbado ku’aadan munaasabadan farxada leh ee lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliyeed Prof. Xassan Sheekh Maxamuud ayagoo waliba xusay waxqabadkii dowladii uu waqtigeedu dhamaaday ee uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Shariif Sheekh Axmed ayagoona ka dalbaday in ay halkeeda ka sii wadaan,ayagoo xusay in xukuumadani ay kaga duwan tahay xukuumadihii dalka soo maray in Baarlamaankeedu 75 % ay yihiin dad aqoon yahayno ah,
Qudbadii uu halkaasi ka jeediyay Qunsul ka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar Mudane Muqtaar Cali Yuusuf oo taabaneysay dhinacyo badan ay aad ugu riyaaqeen dhamaan bulsha weyntii ka soo qayb gashay xaflada isagoo xusay in dal waliba ay dhisaan dadkiisa loona baahan yahay in la isku duubnaado, lana garab istaago dowlada Soomaaliyeed oo uu madarxwaynaha ka yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kaloo halkaas lagu soo bandhigay riyaad aad u qurux badneeyd oo kusaabsaneey ahmiyada ay nabadu leedahay, intaa kadib waxaa laguda galay cashadii iyadoo mudadii ay cashadu socotay ay halkaasi ku soo bandhigeen fanaaniintii ka soo qayb gashay heeso isugu jira wadani & jacayl intaba waxayna xafladiiku soo idlaatay jawi farxadeed.


















Abdalla Sheik Adam
dearabdalla@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|