Somali News
    Hees  

Xaflad ballaaran ee lagu taageerayey madaxweynaha cusub Prof. Xasan Shikh Mohamud ayaa ka dhacday magaalada Gothenburg, Sweden

Gothenburg Axad 23 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad ballaaran ee lagu taageerayey madaxweynaha cusub Prof. Xasan Shikh Mohamud ayaa ka dhacday magaalada Gothenburg, Sweden

Xaflad si heer sare ah loo soo qabanqaabiyey , dadweyne aad u faro badane ay ka soo qaybgaleen ayaa ka dhacday magaalada gothenburg ee dalka Sweden. Xafladdaa oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub Prof. Xasan Shikh Mohamud.

Mudane Mohamed diini oo ahaa xiriiriyaha xafladda ayaa hadalo soo dhoweeyn ah ku furay xafladda, dadweynihii ka soo qaygalayna u faahfaahiyey ujeedada xafladda inay tahay taageerada isbedelka cusub iyo doorashada madaxweynaha jamhuriyada federaalka soomaaliya Prof. Xasan Shikh Mohamud.

Waxaa kalmaddii furitaanka xafladda qaatay mudane adan oor oo ahaa gudoomiyaha guddiga qabanqaabada .

Mudane aadan waxa uu tilmaamay in ay guul weyn u tahay ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg inay si mideysan u taageeraan madaxweynaha cusub prof.xasan shikh mohamud. Mudane Cabdullahi Mohamed Ahmed Jowhar oo ka tirsan guddiga qabanqaabada xafladda ayaa isagana ka Warbixiyey taariikh nololeedkii madaxweynaha Prof. Xasan Shikh Mohamud iyo waxqabadkiisii ballaarnaa xilliggii burburka iyo dagaalada sokeeye ay saameeyeen dalka.

Imaanka magaalada Gothenburg Shikh Abdirashid iyo Shiikh Cabdirahman Sheekh Muxudiin Celi ayaa halkaa kalmado Diini ah ee ku aadan munaasabada ka soo jeediyey.

Waxgaradkii iyo aqoonyahannadii goobta hadalo qiiro wadaninimo leh ka soo jeediyey waxa ka mid ahaa: Oday Cosoble,mudane Pro Qude, macalin Ismaciil, aqoonyahan Cabdicasis Brendere, shiikh caalami, Dr cariif, Mohamud, Mamma Sahro iyo khadra calasoow, isla markaana taageero buuxda u fidiyey madaxweyne prof.xasan shikh mohamud, kana codsadey bulshada soomaaliyeed ee deggan magaalada gothenburg in ay taageeraan isbedelka cusub.

Waxay sidoo kale ammaan u soo jeediyeen Madaxweynihii hore shikh sharif shikh Ahmed iyo xukuumadiisii.

Sugaan wadani ah oo ay dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda ay aad u jecleeysteen ayey goobta ka soo jeediyeen fanaanada weyn sacdiyo soomaali, abwaan khaliif, rukiye mohamud xasan iyo Farxiyo Tifoow.

Waxa halkaa heeso wadani ah ka qaadayey fanaaniinta magaalada Cali najib iyo sadiq iyo fanaanada qaranka mamma sacdiya soomaali oo dadweynihii ka soo qaybgalay dareenkooda kicisay, Kuna abuurey qiiro wadaninimo.

Xafladda waxa ku soo gabagaboodey jawi aad u sareeya oo ay soomaalinimo ku dheehan tahay, taariikhda magaalada gothenburg aan horey u soo marin kulan soomaaliyeed oo noocan oo kale.

Waxa bogaadin iyo amaan mudan guddigii qabanqaabada mudane Adan Oor, cabdullahi mohamed Ahmed jowhar, Ibrahim Qalinle, Mohamed diini, Xassan Muse Qoslaaye, Cali Yare Gaani, Cali Xasan iyo dhamman gabdhihii, wiilashii iyo waxgaradkii gacan ka geystay qabanqaabada xafladda.

Waxa ammaan mudan mudane Mohamed diini iyo anfac oo si darandoori ah u daadaheeynayey barnaamijka xafladda.

Waxa sidoo kale mahad ballaaran iska leh bahda saxaafadda , gaar ahaan Bar kulan, SNTV iyo Somaliweyn (Calasoow, Anfac iyo Ikraam )oo qayb Libaax ka qaatay xafladda taageerada madaxweynaha cusub prof. Xasan shikh mohamud.

Xiritaankii xafladda waxa kalmado ka soo jeediyey mudane Ibrahim Qalinle oo ka tirsanaa guddigga qabanqaabada ee xafladda taageerada madaxweynaha , tilmaamayna in xafladdu u dhacdey sidii loogu talagalay iyo si ka heer sareysay, una mahadnaqay dadweynihii ka soo qaybgalay oo mujiyey dareenkooda soomaalinimo iyo qabanqaabiyaashii xafladda oo waqtigooda khaaliga ah u huray.




























































Soomali ha noolaato !

Gothenburg Sweden
Somaliweyn

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)