|
Dowlada Itoobiya oo Ciiamo hor leh usoo direysa Gudaha daka Soomaaliya si ay u caawiso Dowladda Cusub
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowlada Itoobiya oo Ciiamo hor leh usoo direysa Gudaha daka Soomaaliya si ay u caawiso Dowladda Cusub
Dowlada Itoobiya oo markale dooneyso in gudaha Soomaaliya ay usoo dirto ciiamo hor leh oo lagu qayaasay kumanaan kuwaasi oo xoojin unoqon doono ciidamadi hore uga joogay Soomaaliya
Wararka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in xukuumadda Itoobiya ay waddo qorshe ay ku doonayso inay ciidamadeedu ku dhaqaaqaan deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo horay ugu sugnaa degmooyin iyo deegaanno ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku sugan yihiin gobollada ku yaala xuduudda ay labada dal wadaagaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Galguduud, Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo, iyagoo deegaannada kula dagaalamayay Al-shabaab tan iyo dhammaadkii sannadkii hore.
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Haile Mariam Desaleng oo xilka loo dhaariyay toddobadkii hore ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay caawiyaan Soomaaliya tan iyo inta ay dalkooda uga soo celinayaan ammaanka iyo kala dambeynta.
Desaleng ayaa kulan uu Muqdisho kula yeeshay bartamihii bishan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la caleemo saaray ayaa u ballanqaaday inay xukuumaddiisu gacan ka geysan doono xasilinta dalka.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 20,000 oo askari oo wata qalab dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo, iyadoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee lagu kordhinayo ciidamadaas horay u joogay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|