|
Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo kulan ka yeeshay Islaamka waxa uu ka qabo boobka ay Al-Shabaab ku hayaan gargaarka loogu talogalay dadka Tabaalaysan
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo kulan ka yeeshay Islaamka waxa uu ka qabo boobka ay Al-Shabaab ku hayaan gargaarka loogu talogalay dadka Tabaalaysan.
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, kulankaasi oo looga hadlayay qaabka lagu badbaadin karo amaba looga hortegi karo boobka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan raashinka gargaarka ah.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD ayaa waxaa siyaabo kala duwan waxaa looga hadlay asal ahaan waxa ay diinta Islaamka ka qabto in la boobo raashinka gargaarka ah ee ku socda dadka tabaaleysan amaba barakacayaasha la gaarsiinayo.
Afhayeenka Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/qaadir Sh. Maxamed (Sheekh Soomow) oo khudbadda furitaanka ka jeediyay munaasabadda kulanka ayaa ugu horeyntii tacsi u diray weriyeyaashii iyo dadkii ku geeriyooday iyo waliba dadkii ku geeriyooday qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee maalmahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho.
"Diinteena ma ogola in raashinkooda la boobo dadka dhibaateysan" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow oo dhinaca kale sheegay in arrintaani ay ka mid tahay dhibaatooyinka soo jiray ee kooxda Al-shabaab ku heyso dadka rayidka ah, isagoo sheegay in arrinta ugu yaabka badan ee kooxda Al-Shabaab ay kula kacday dadka ku nool magaalada Jowhar, kaddib markii ay ku amreen dadka magaaladaasi inay bixiyaan lacag dhan $10,000 si loogu furo biyo xireenka magaalada Jowhar, haddii kale aan biyo loo furi doonin beeraha ku dhow wabiga jiinkiisa.
Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Soomow in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay dadaal ugu jiraan sidii dadka looga dhigi lahaa bahallo iyaga cuna, taasi oo kuu muujineysa iyagoo ku amray dadka inay cunaan hilibka Waraabaha, wuxuuna afhayeenku sheegay in qofka cuna Waraabe aakhirka uu cunayo dadka sidaasna ku noqonayo bahal dad cun ah.
Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee G/Banaadir Sheekh Axmed Sh. Aadan Dheere (Sh. Axmed Shuqul) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid taariikhda Soomaaliya geli doona, taasi oo lagu soo doortay Madaxweynaha Dowladda rasmiga Federaalka Soomaaliya.
"Cambaareyneynaa kuwa dilaya Weriyeyaasha iyo dadka rayidka ah" ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul oo ku booriyeyaasha in Suxufiyiinta ay howlahooda sii wadaan, isla markaana aanay u joojin weerarada iyo dilalka lagu hayo, waxaana isagoo ka jawaabayay su'aal ahayd qaabka gargaarka loo gaarsiin karo dadka ku nool goobaha ay Shabaabku ka taliyaan waxa uu soo jeediyay in shan qodob uu isagu aaminsan yahay in gargaarka lagu gaarsiin karo dadka dhibaateysan.
Sheekh Axmed Shuqul waxa uu sheegay in gargaarka lagu gaarsiiyo dadka dhibaateysan diyaarado hawada looga soo daadiyo, taasi oo kooxaha raashinka boobaya ee Shabaab aanay awood u lahayn inay dadka ka boobaan raashinka gargaarka ah.
In Saxaafad gaar ah loo sameeyo howlaha lagu gargaarayo barakacayaasha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa yareynta boobka lagu hayo raashinka gargaarka ah iyo qodobo kale.
Guddoomiyaha Ansaaru Sunna Sheekh Axmed Sugow ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed xaq loogu leeyahay inay si ficil ah uga hortagaan boobka lagu hayo raashinka gargaarka ah ee ku socda dadka tabaaleysan iyo barakacayaasha.
Wuxuu caddeeyay in Culumaa'udiinka ay door firfircoon ka qaateen la dagaalanka kooxaha argagixisada Shabaab, iyadoo boqol tallaabo ka yar loo jiro xarunta madaxtooyada, isla markaana dadka tusay in kooxahaan lala dagaalami karo.
Sheekh Max'ed Sh. C/raxmaan oo ka mid ahaa Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee iyagu ka qeyb galay kulanka maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, wuxuuna si weyn uga hadlay kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacidada Soomaaliya dhibaato ku heyso halka ay ka soo jeedo asal ahaan isagoo sheegay in kooxahani ay jireen xilligii saxaabada.
"Dad Muslim sheeganaya ayaa diidan in la soo galo diinta Islaamka" ayuu yiri Sheekh Maxamed Sh. C/raxmaan oo sheegay in kooxahani iyagoo isticmaalaya magaca diinta Islaamka ay hadana diintii ku dumiyaan isagoo sheegay in diinta Islaamka lagu cadeeyay kooxahani la baxay "Shabaab" oo dhallinyaro ah iyagoo waliba diinta laga been sheegayo.
Kulanka Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu baaqay Dowladda cusub inay si degdeg ah wax uga qabato isla markaana dhibaatada uga dulqaado dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan dadka rayidka ah iyo waliba boobka ay ku hayaan gargaarka ku socda dadka tabaaleysan iyo barakacayaasha.









Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|