Somali News
    Hees  

Ururkii Xisbul Islaam oo maanta ka dhawaajiyay dib uga soo baxid Kooxda Alshabaab oo kal hore ay la midoobeen

Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ururkii Xisbul Islaam oo maanta ka dhawaajiyay dib uga soo baxid Kooxda Alshabaab oo kal hore ay la midoobeen

Afhayeenkii Ururkii Alshabaab Sheekh Maxamed Macalin oo la hadlay idaacada BBCda ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareysa Ururkaas ay soo saareen bayaan ka kooban 6 Qodob oo dhamaan lagu muujinaayo sidii ay Alshabaab markii hore ay ugu biireen iyo Ciladaha keenay in ay isaga soo baxaan
Ururkaas

Maxamed Macalim “ ka dib markii aan aragnay in ujeedadii aan ugu biirnay ururka Alshabaab in aysan waxba ka soo naaso cadeen isla markaana kooxdii Xagal daacisay Camalkii Jihaadiga sida uu hadalka u dhigay uuna ula jeeday
Dowladii Sheekh Shariif markii ay meesha ka baxaday waxaan Go,aansanay in aan dib xuriyadeena ugala soo laabano Kooxda Alshabaab.

Qodobada lixda ah ee aan u tiirinay ka go,itaanka Alshabaab waxaa ay kala yihiin

1- Waxaan kala laabanay isku biiritaankii laba Urur ee iclaamiga ku eked oo aan dooneynay In wax lagu xaliyo isla markaana ay ku xalismi waayeen.

2- In aan ka mid aheen maamul iyo mahaj iyo siyaasad ahaan Ururkaas waligeenana aan isku mab,da ka noqon sida ay wax u wadeen Madaxda Kooxda Alshabaab

3- Xisbiga wuxuu qaatay Barnaamij Siyaasadeed oo aan dooneyno in aan kula dhaqano cid walba oo dhinaca wanaagsan wax u wadeysa danta umada Soomaaliyeed ka shaqeyneysa.

4- Ururka waxuu baadi goob dheer u gali doonaa in la soo celiyo mideynta Umada Soomaaliyeed

5- Xisbiga in uu aaminsanyahay Ku dhaqanka Shareecada Islaamka

6- In ciidamada Shisheeyihu yihiin kuwa Sharci daro ku jooga dalka

Mudo dheer ayeenu ku howlaneen ayuu yiri Maxamed Macalim talaabada aan manta qaadanay

Kooxdii Xagal daacisay Jihaadka meesha waa ay ka baxeen kuwaa waxaa ay ahaayeen kuwa ku meereysta Adis Ababa mar hadii uu dalku ka dhashay Nidaam cusub waxaan si dhow uga fikireenaa sida aan howsha meesha ay joogto uga sii dhaqaajin laheen ayuu intaas raaciyay

borbogaado Idaacadaha ay ku sameeyey ayeey shabaab weerar nogu soo qaadeen si aan u baajino dhiiga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaan ku dooranay isku biirida labadan koox laakin wax faa,ido ah lagama helin

mar la weydiiyay cida ku wehlineysa bayaankaas waxaa uu yir

“ Shaqsiyaad kuuma magacaabayo cilado jiro aawgeed laakin dhamaan Masuuliyiintii Ururka wa ay ku dhanyihiin’

Su,aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxay ku kordhin kartaa siyaasada dalka dib u soo noolaasha Ururkii la burburiyay ee Xisbul Islaam.

Laakin waxaan shaki ku jirin in Soomaalida aanu micno gaar ah ugu fadhin in Jabhado dhibaatadooda hor loo arkay ay mar kale taageeraan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)