Somali News
    Hees  

Xildhibaan Somali ah oo ku guulaystay Doorashada Golaha Deeganka, UK

Isniin 24 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibaan Somali ah oo ku guulaystay Doorashada Golaha Deeganka, UK

Qalinkii: Gudiga Fulinta ee Jaaliyada Somalida ee Milton Keynes, UK.

Salaam Alykum, anaka oo ku hadlayna magaca dadyayga Somalia ah e degan magaalada Milton Keynes khaasatan Gudigan Fulinta ee Jaaliyada Somalida,waxaanu hambalyo iyo boogaadin uga soo jeedinayayna dhamaan shacbiga Somalia ah ee ku nool halkan iyo UK, in uu Mudane Adan Jama Kahin ugu guulaystay si rasmi ah jagada ah

Murashax Golaha deegaanka ee Milton Keynes (Coucillor of Campbel park and Fishermead) bishu markay ahayd 20, sept 12.

Bal horta waxanu jecelnahay inaanu idinka siino warbixin kooban intiina aan garanayn taasoo ku saabsan aqoontiisa, khibradiisa iyo waxa uu bulshada Somalida ah u qabtay.

An ku horayno dhinaca aqoonta Xildhibaanku wuxu ka diyaariayay Shahaadada labaad ee Jaamicadeed loona yaqaan Masterka taasoo uu ku dhamaystay cilmiga maaraynta ganacsiga iyo suuq gaynta Jaamacada layidha Bedfordshire University oo ku taala dalkan Britain. Sidoo kale Hore waxa uu ugu diyaariay isla heerka (Posgraduate) oo iyana ah aqoonta sare Jaamacad ku taala dalka Norway oo loo yaqaan (Norwegian School of Management), waxanu imikana ku diyaariya waxbarasho ku saabsan cilmiga bulshada Jamacada la yidha (Open University). Wuxu hore u ahaan jiray Mulkiile iyo Maamule Ganacsi intii aanu ka soo guurin dalka Norway.

Markii uu dalkan Ingriiska u soo wareegayna waxa uu ka kala shaqeyay shirkada kala duwan, wakhtigan xaadirka ahna wuxu ka shaqeeya shirkad ku taala magaaladan Milton Keynes. Hadaba Adan waa nin aad ugu firfircoon waxqabadka iyo adeega bulshada , dhinaca hay'da samafalka ah waxa uu hore uga shaqeeyay (Norwegian Red Cross) mudo sanad ah , waxa kale uu ka soo shaqeeyay Haa'yada layidha (world Vision) xarunteeda Europe eek u taala magaaladan Milton Keynes, UK.

Inta marka laga yimaado, haddii aan dheehano hawlaha uu u qabto bulshada. Waxa uu yahay imika MADAXA SOMALIDA ku nool Milton Keynes kuwaas ah qaar ka kala yimi mandaqadaha geeska Afrika. Hadaba intuu uu xilka hayay oo ahayd ila dhawr sanadood, Adan wuxu ahaa qof u dhex ah dadka halkan degan oo dhan, waxana jagadan loo doortay in kabadan laba jeer . Wuxu uu xidhiidh fiican la sameyey Jaaliyadaha kale sida Srilanka, Zimbabwe, Ghana iyo Carabtaba si ay isaga kaashadan qadiyadooda u gaar ka ah, kuwaasoo iyaguna balanqaaday taageeradooda iyo iskaashi joogta ah.

Wuxu Xildhibaanku dadka Somalida ah iyo waliba Ajaanibka u qabtay halkan kuma soo koobi karo, waxanse ka xasuusta, shirar aanu dhawr jeer dawlada la yeelanay inuu Adan oo marwalba shirarka Gudomiye ka aha wuxuna dawlada ku cadaadiyay in dawlada hoose caruurta somalida ka caawiso dhinaca waxbarashada galinka danbe oo lacag la'an ah iyo In caruurta meelah galabti ama makhribkii wareega loo furo meelo dhalinyaradu ku ciyaaraan (youth club), kuwaasoo uu uga dhaadhiciyay inay taasi yarayndoonto caruurta iskuulada ka hadha. Nasiib wanaag labadiiba maanta waanu ku guulaysanay oo Sabti walba caruurtu waxay helaan macalimiin tayo leh oo caawiya. Dhinaca kalana waxa nalaga siiyay Xafada Springfiled meel ay loogu talagalay in caruurtu ciyaaraha fudu ku ciyaaraan wiigiiba ila 2 jeer. Arrimahaasoo ay sii xoojiyeen Barigii ay dhalinyaradu somalidu halkan isku dileen oo Adan uu arrinta sidii looga hortegi laha uu aad ugaga hadlay shirar uu ka qaybgalay iyo waraysiyo uu siiyay Radio BBC , Telefisionkaba iyo Jaraaidkaba.

Inta kuma eekaan wuxu toos ula shaqeeya Madaxii hore ee Liberal Democratic Party Mrs. Isobel Mccal iyo madaxa qaybta gaadiidka ee Golaha Deegan Milton Keynes iyo Mr. John Ghoss oo ah xisbiga Labourka (shaqaalaha). Waxa xusuus mudan in uu xildhibaanku markii ay dawlada hoose aragtay firfircoonidiisa inuu aha ninkii keliya ee ajaaniba ahaa kaasoo loo doortay in uu ka noqdo kormeere (monitoring) hawl u socodka doorashoyinka ka dhacay magaaladan Miltonkeynes bishii May 2012, taasoo uu ku mutaystay kartidiisa.

Sidoo, kale waxay aad isugu dhaw yihiin oo ay si joogta ah u wada shaqeeyan Member of Parliament Milton Keynes Mr. Larcaster, kaasoo ay isna ka wada ololeeyan siddii maandooriyaha Qaadka loogu joojinlaha cariga Ingriiska iyo arrimaha keleba. Waxa kaloo jirtay in uu MPgu ama ninka ka tirsan Parliamanka UK ee magaladan uu dhawr jeer Jaraaiidka magaaladan ku soo qoray Xildhibaankan waxqabadkiisa isagoo kaga hadlaaya qoraaladiisii ku saabaxay Jaraaiidka kala ah MK New iyo Citizen newspaper.

Waqtigiisa firaaqada ah Waxa uu uu taga GYM si uu ugu jimicsado waqtiyada , Waxa kale uu jecelyahay wax akhriska iyo wax qoridaba. Xildhibaanku runtii waa nin qoraa ah, oo aad wax uga qora arrimaha bulshada. Waxa aad keheli doonta qoraaladiisa Jariidka iyo webyad badan oo Somaliya.Tusaale, Qoraaladii uu ku soo qoray Jaraaidka Waheen newspaper, Sahafi iyo Haatif news waxa ka mid aha sida qormooyinka ( sidee xal loogu heli kara warshada Sibidhka iyo sidoo kale maxa hortaagan maalgashishiga dalkeena oo dhawr qaybood ahaa). Waxa kale uu sidoo kale maqaalo u dira Jaraaidka magaaladan oo soo daabaca.

Gabagabadii, waxanu hadalkayagii kusoo gabagabaynaya waxan ilahay uga rajaynaya in uu Adan hawsha loo igmaday ilaahay u fududeeyo, taasoo bulshaduna ay aad uga wada faaiididoonan. Anaka oo ku hadalayna Jaaliyada somalida ee degan Milton Keynes , dhamaantayo waxanu leenahay xildhibaanka hambalyo iyo awguuriyaba.

Mahadsanidin.

Gudiga Fulinta ee Jaaliyada Somalida ee Milton Keynes UK.
1- Mohamoud Xalane Gudomiye ku xigeen.
2- Abdulahi Yusuf Xisaabiye
3- Abdirahman Abdulahi Xooghaye
4- Mohamoud Adan Xubin.
5- Deeq Ahmed Xubin.
6- Ebtessam Adam Xubin.
7- Mohamed Abdi Xubin.

Adan kahin
duale12@yahoo.co.uk

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)