|
Hay'adda UNESCO oo dhinacyada Soomaalida ka dalbatay ilaalinta xuriyadda bahda
warbaahinta
Mogadishu Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adda UNESCO oo dhinacyada Soomaalida ka dalbatay ilaalinta xuriyadda bahda
warbaahinta.
War saxaafadeed ay soo saartay haweeneyda agaasimaha guud ka ah
hey’adda UNESCO Irina Bokova ayaa waxa ay ku sheegtay in si aad ah ay
uga wal wal santahay dilalka loo geesanayo wariyayaasha ka howlgala
warbaahinta ku taala dalka Somalia , waxana ay sheegtay in si aad ah
ay u dhaleeceeneyso dilalkaasi.
Irina Bokova waxa ay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in tobobaadkii la
soo dhaafay magaalada Muqdisho lagu dilay 5 wariye taasina ay
cadeeneyso inaan la ilaalineynin xaquuqda warbaahinta iyo wariyayaasha
ka howl gala.
Dhinacyada siyaasadeed ee dalka somalia ayay ugu baaqday in muhiimadda
ay siiyaan ilaalinta bahda warbaahinta ka howlgasha Somalia waayho
waxa ay sheegtay in wariyuhu uu yahay ruux ka shaqeenaya dib u
heshiishiin .
Agaasimaha guud ee hey’adda UNESCO Irina Bokova ayaa Dowladda Somalia
ku eedeysay wax ka qabasho la’aanta kooxaha dhibaateenaya wariyayaasha
maadaama inta badan wariyayaasha lagu waxyeeleeyo goobaha ay ka
taliso , waxana ay ka dalbatay dowladda Somalia in maxkamad ay soo
taagto kooxihii ka dambeeyay dilkii wariyayaashii maalmihii la soo
dhaafay lagu dilay Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|