|
Xaflad lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee soomaaliya mudane Xasan Sheikh Mohamud oo lagu qabtey magaalada Gävle ee dalka Sweden
Gävle Isniin 24 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey laguna taageerayey Madaxweynaha Dowlada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheeq Maxamuud ayaa waxa lagu qabtey magaalada Gävle ee dalka Sweden.
Xafladan oo ay soo abaabuleen Ururadda magaalada Gävle ayaa waxa ka soo qeybgaley dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoona lagu soo bandhigey munaasabada cayaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeso wadaniya waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay Marwo Shamso Axmed ciise iyo Marwo Faadumo Abuukar oo labaduba ka mid ah macaliinta wax ka dhigta dugsiyada magaalada Gävle waxayna ku nuuxnuuxsadeen faaiidada ay leedahay in Dowlad la helo ayna shacabka qurbaha ku raagey si weyn ugu baahi qabaan sidii ay mar dib ugu laaban lahaayeen dalkoodii oo degey dhanka kale waxey farta ku fiiqeen in ay aad ugu faraxsan yihiin madaxda maantey la doortey Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaahiri iyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo labaduba asalkoodi hore ahaayeen macalimiin.
Sidoo kale waxaa hadalo kookooban oo aad u qiiro badan isaguna halkaas ka soo jeediyey Cabdulaahi Yalaxoow Maalin oo ka mida masuuliyiinta iyo Nabadoonada Gävle wuxuuna Hambalyo u direy Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka isagoona kula dardaarmey sidii xooga loo saari lahaa amaanka Dalka.
Omar Ali Omar iyo Keyf Ali Hussein oo labaduba ah ardeydii uu Madaxweyne Xasan Sheeq Maxamuud wax soo barey iyagoona matalayey Jaaliyadaha Sweden ayaa waxa ay ku dheeraadeen Aqoonta kartida iyo wanaaga ay ku yaqaaney Madaxweynaha waxayna u rajeeyeen in uu noqon doono mid xilkiisa ka soo dhalaalo.
Gudoomiyaha Daladda Ururada Gävle Siciid Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyey munaasabada ayaa waxa uu farta ku fiiqey in ay tahay farxad noo soo hoyatey mar hadii kumeelgaarkii aan ka baxney ayna haboon tahay in dhamaanteen innagoo isku duuban aan la shaqeyno Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dadkii halkaas ka hadley oo aad u tiro badnaa ayaa waxey si isku mid ah ugu hambalyeeynayeen Madaxweynaha iyo Godoomiyaha baarlamaanka iyagoona sheegey in si cadaalada ay u dhacdey doorashada. Dhanka kalena waxey tacsi u direen eheladii iyo Qaraabadii dadkii lagu laayey qaraxii ka dhacey guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku jireen wariyaal soomaalieed oo naga haqab tiri jirey dhamaan xaaladihii ka jirey Dalkeenii hooyo.
Ugu dambeyntii Xafladan oo ay soo xirtey Xiriiiriyaha Ururka Haweenka ee magaalada Gävle Marwo Naciimo Ali Xuseen ayaa waxa ay ku soo gabagaboowdey guud ahaan sidii loogu talo galey.
















Fardowsa Sh Xasan Kuriya
Fardowsok@hotmail.com
Gävle Sweden
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|