|
Dabaaldeggii ugu weynaa oo Muqdisho ka socda iyo Madaxweynaha oo la filayo inuu goor dhow ku dhawaaqo Ra'iisal Wasaare cusub
Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dabaaldeggii ugu weynaa oo Muqdisho ka socda iyo Madaxweynaha oo la filayo inuu goor dhow ku dhawaaqo Ra'iisal Wasaare cusub
Magaalada Muqdisho waxaa maanta duhurnimadii ka bilowday dabaaldegii ugu weynaa ee abid ka dhaca, kaddib markii warar soo baxay ay sheegeen in saacadaha soo socda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhwaaqo Ra'iisal Wasaare cusub.
Fantasiyo iyo rasaas cirka loo riday ayaa hareeyay hawada magaalada Muqdisho, iyadoona dadweynaha magaalada Muqdisho ay muujinayaan xamaasad aad u weyn kana rajo qaba in Ra'iisal Wasaaraha cusub loo magacaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah Madaxweynaha u shaacin shaqsiga uu Ra'iisal Wasaare u magacaabayo, ayaa hadana wararka aanu ka heleyno xarunta madaxtooyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Ra'iisal Wasaare cusub soo magacaabayo saacadaha soo socda.
Dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Dowladda KMG ah ayaa iyagu si weyn ugu haminaya isla markaana u doonaya Md. Farmaajo in loo magacaabo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo magaalada Muqdisho muddo ka badan hal saac ay is qabsatay rasaas loogu dabaaldegayo laguna taageerayo Ra'iisal Wasaarenimada Md. Farmaajo.
Kaddib dabaaldegyada ayaa waxaa soo baxay kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo iyagu dibadbaxyo waaweyn iyo isu soo baxyo aan horay loo arag isku qabanqaabinaya inay isugu soo baxaan waddooyinka waaweyn, mana aha markii ugu horeysay oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay bannaanbaxyo ku taageeraan MD. Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka mid ahaa musharaxiinta jagada Madaxweynaha ee laga guuleystay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|