Somali News
    Hees  

Mwai Kibaki : "Qaxootiga Soomaalida dalkeena waa ay ku bateen waa in dib dalkooda loogu celiyaa laguna gar gaaraa halkaas waayo hadda inta badan dalku waa nabade"

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Mwai Kibaki : "Qaxootiga Soomaalida dalkeena waa ay ku bateen waa in dib dalkooda loogu celiyaa laguna gar gaaraa halkaas waayo hadda inta badan dalku waa nabade"

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo ka hadlay Xarunta Q,M ee New York ayaa ka dalbaday hay’adaha Q,M iyo ururada kale ee caalamiga ah inay dalkiisa ka raraan qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Ifo ee ku yaala gobolka waqooyi barri Kenya.

M/weynaha Kenya waxaa uu xusay in ciidamada dawlada Soomaaliya kuwa Kenya ee AMISOM qeybta ka ah ay Xarakadda Al-Shabab ka saareen deegaano fara badan oo ku yaala gobolada Jubbooyinka waxaana uu sheegay inay u baahan yihiin qaxootiga la geeyo gobolada Shabab laga saaray sida uu yiri.

Kibaki waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in dalkiisa uusan awood u laheyn inuu xamilo qaxootiga faraha badan ee Soomaalid aah ee dalkiisa ku nool waxaana uu ka dalbaday xog’hayaha guud ee Q,M Ban Ki Moon inuu aqbalo codsiga ah in dalkiisa laga raro qaxootiga Soomaaliyeed.

"Qaxootiga Soomaalida dalkeena waa ay ku bateen waa in dib dalkooda loogu celiyaa laguna gar gaaraa halkaas waayo hadda inta badan dalku waa nabade" ayuu yiri M/weynaha Kenya Mwai Kibaki.

Ciidamadooda ka tirsan kuwa AMISOM ayuu sheegay inay ka go’antahay inay dib u soo celiyaan xasiloonida iyo amaanka Soomaaliya.

In ka badan 65,000 oo ruux oo qaxooti Soomaali ah ayaa la sheegaa inay ku noolyihiin wadanka Kenya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)