|
Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya oo qiratay in askarteeda dad rayid ah Soomaaliya ku laayeen
Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya oo qiratay in askarteeda dad rayid ah Soomaaliya ku laayeen
Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Kenya ayaa qiratay in ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin dilka dad rayid ah loogu geystay magaalada Janay C/lla ee gobolka Jubbadda hoose.
Wasaaraddu waxay sheegtay in mid ka mid ah askarteeda ku sugan gobolka Jubbadda hoose uu si ula kac ah rasaas ugu furay dad rayid ah taasoo keentay in goobta ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo rayid ah.
Col Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in askarigii dadka rasaaseeyay ay hub ka dhigis ku sameeyeen kadibna ay xireen.
Taliska ciidamada Militry,ga Kenya war kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in askarigu uu ka qal qalay tirada dadka uu rasaaseeyay.
Saraakiisha ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa Kenya, iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay afhayeenku inay baaritaano ku hayaan sida ay wax u dhaceen.
"Askari ciidamadeena ka tirsan ayaa dadka rasaas ku furay dad badan oo rayid ahna waa ay geeriyoodeen waa dhacdo xanuun badan waxaana tacsi u diraynaa ehelada dadkii geeriyooday haddana baaritaan ayaa socda" ayuu yiri Col Cyrus Oguna oo afhayeenada ciidamada Kenya ka mid ah.
Col Cyrus Oguna waxaa uu tilmaamay in natiijada kasoo baxda baaritaanada socda ay dib ka sheegayaan hase ahaatee waxaa uu xusay in dhacdadu ay si qaldan u dhacday.
Tirada daadka ay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa kordhay waxaana wararkii ugu dambbeeyay sheegayaan in 10 ruux ay ku geeriyoodeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|