Somali News
    Hees  

Nin lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo Computerada oo noqday mid kamid ah Millionairada Caalamka

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nin lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo Computerada oo noqday mid kamid ah Millionairada Caalamka.

Ashish Thakkar oo ah ugandan asalkiisu kasoo jeedo qaarada Asia ayaa wuxuu ku dhashay UK sanadkii 1983-kii, hase yeeshee 12 sano kirkiisii ayuu yimid dalka uUganda oo uu ka bilaabay ganacsi jeeblanimo ah isagoo saaxiibada Schoolka la dhigta ka iibin jiray Computarada.

Ashis sanadkii 1997-kii ayuu ganacsigiisa ka bilaabay dukaan yar oo lagu iibiyo Computerada , halka caasimada dalka uganda ee Kampala haatan uu ka abuuray 4500 shaqo, waxeyna shirkadiisa MARA GROUP ay xarumo ganacsi ku leeyahay 16 dal oo ku kala yaal Africa, asia, Europe iyo America,iyadoo ganacsigiisu ka kooban yahay, Warbaahin, Isgaarsiin, Farsanada casriga ah, Guryaha, cusbitaalo iyo warshado.

29 jirkan reer uganda Ashish Tgakkar haatan waa mid kamid ah Millionairada caalamka haatan bixiyay lacag dhan 200 kun oo Dollar si uu utago hawada sare, marka safarkiisa aakhiritaanka hirgalana wuxuu noqonayaa cirbixiyihii 2-aad oo african ah ee taga hawada sarekadib Millionairka u dhashay dalka South africa leh Soft ware-ka Mark Shuttleworth.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)