Somali News
    Hees  

Maxamed Cali Ameerico ” Ciidamada Kenya Kama hari doono ilaa ay magdhaw ka bixiso dadkii ay ku xasuuqday Tuulada Janaay Cabdalla.."

Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxamed Cali Ameerico ” Ciidamada Kenya Kama hari doono ilaa ay magdhaw ka bixiso dadkii ay ku xasuuqday Tuulada Janaay Cabdalla.."

Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dowlada Kenya ay soo garsiisay raali gelin ku aadan dadkii ay ciidamadeedu ku dileen gobolka Jubbada hoose.gaar ahaana halka loo yaqaan janaay cabdulle.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Dr Maxamed cali Ameerico ayaa warbahinta gudaha iyo Dibadda u sheegay in warqad ashtako ah uu u diray xukuumadda dalka Kenya, taas oo ku aadaneyd muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ciidamada Kenya ay ku dileen deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.kuwaasi oo garayay sida la sheegay 7. qof

Safiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda dalka Kenya ay ka soo jawaabtay ashtakadii uu u gudbiyay, wuxuuna xusay in ay raaligelin ka bixisay arrintaasi.

"Ciidamada Kenya waxay taageerayaan ciidamadeenna Xoogga Dalka Soomaliyeed ee howlgallada ka wada gobolka Jubbada hoose, haddana kama ogolaaneyno in ay ciidamadda keenya ay xasuuqaan muwaadiniin Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan kamana haridoono ilaa ay xukuumadda Kenya bixiso magta dadka ay ku dileen halka loo yaqaan Jannaay Cabdalle’’ ayuu yiri Safiirka dawladda soomaliyeed u fadhiya dalka keenya Dr Maxamed Cali Ameerico.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)