|
DBG oo hogaanka u qabatey horyaalka kooxaha heerka 3-aad ee Dalka iyo kulamadii ugu danbeeyey + sawiro
Mogadishu Talaado 25 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

DBG oo hogaanka u qabatey horyaalka kooxaha heerka 3-aad ee Dalka iyo kulamadii ugu danbeeyey + sawiro
Kooxda kubadda cagta ee DBG ayaa hogaanka u qabatey horyaalka kooxaha heerka 3-aad ee dalka Somaliya,kadib markii guul ka gaartey kulankii labaad oo ee ay ciyaareen kooxda Gasco.
Kooxda kubadda cagta ee DBG ayaa kulan aad u adkaa waxay yeesheen Gacso iyadoo ciyaartaasi ay ku bilaabatey dar-dar weerar iyo weerar celis oo labada kooxood ay iska qasaariyeeen fursado badan qeybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu nasty 0-0.
Wadatashi badan kadib oo ay tababarayaasha labada kooxood lasoo yeeshaan ciyaaryahanada ayaa qeybtii 2-aad ee kulanku noqdey mid sii kululaada oo weeraro is xig-xiga leysku qaadey, waxaana DBG u suura gashey inay dhaliyaan gool daqiiqadii 55-aad ciyaryahankooda Jibriil ayaana u saxiixey.
Kooxda Gasco ayaan is dhigan oo ku dadaashey sidii ay isaga soo gudi lahayd goolka lagu lahaa, dadaal kadib waxaa u suurta gashey inay 1-1 ka dhigaaan markii daqiiqadii 70-aad ay dhaliyeen kubad aad looga soo shaqeeyey.
Laakiin toban daqiiqo kadib kooxda DBG ayaa heshey goolkii 2-aad xiligaasoo daqiiqadii 80-aad ciyaaryahankooda weerarka ka dheela ee lagu magacaabo Baadil uu dhaliyey laad xor ama Pulusione aad u qurux badnaa, sidaasina 2-1 guul ay hogaanka ugu qabteen DBG guud ahaan sagaalka kooxood ee horyaalka ciyaaraya markii 6 dhibic ay keensadeen 2 kulan, halka kooxaha qaar 3 kulan ay ciyaareen weli aysan gaarin 6 dhibic.
Kulanka dhexmarey DBG iyo Gasco ayaa dadkii daawanayey oo ay ku jiraan masuuliyiin xiriirka kubadda cagta ka tirsan waxay ku tilmaameen kulankii ugu adkaa uguna wanaagsanaa ilaa iminka ciyaaraha laga dheeley horyaalka.
Ciyaarihii kale ee ugu danbeeyey ee la ciyaarey Hilaac waxay 2-1 ku tuntey Midnimo,kooxaha Jamhuuriya iyo Sped 1-1 ayey ku kala tageen, halka Geeska Afrika 2-1 isaga reebtey kooxdag Qodxaaleey.



By.C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|