|
M/weynaha Maraykanka oo ka hadlay hogaanka cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 26 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

M/weynaha Maraykanka oo ka hadlay hogaanka cusub ee Soomaaliya
M/weynaha Maraykanka Barack Obama oo ka hadlay kulanka ka socda magaalada New York ay yeelanayaan golaha guud ee Q,M ayaa sheegay inuu sooo dhaweynayo is badalada siyaasadeed ee ka dhacay wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
M/weyne Obama waxaa uu sheegay in xukuumadiisa ay la socota hormarka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira oo xildhibaanadu ay doorteen M/weyne cusub oo uu xusay inuu soo dhaweynayo.
“Waan ku faraxsanahay waana soo dhaweynayaa M/weynaha cusub ee Soomaaliya lo doortay” ayuu yiri M/weynaha Maraykanka.
M/weynaha Maraykanka Barack Obama waxaa uu khudbada uu ka jeediyay xarunta Q,M oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa uu sheegay
in wadamo ay Soomaaliya ay ka mid tahay ay ka dhacday Dimoqraadiyad uuna ku faraxsan yahay sida uu is badalku ku dhacay.
Isbadalo ka dhacay wadamada Mali iyo Sinigol ka dhacay ayuu sheegay inay la mid ahaayeen ki Sooomaliya ka dhacay oo kale.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|