|
Midawga Yurub oo lacago ugu deeqay AMISOM
Mogadishu Arbaco 26 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midawga Yurub oo lacago ugu deeqay AMISOM
Ururka Midawga Yurub ayaa ugu deeqay ciidamada midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM lacag dhan 82 million oo Yuuroo oo ah lacagta Yurub laga isticmaalo ah una dhiganta 106 million oo dolarka Maraykanka.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibbadda ururka Midawga Yurub haweeneyda la yiraahdo chief Catherine Ashton ayaa ka sheegtay magaalada Brussells inay dhaqaalo badan ku bixinayaan taageerida hawlgalka midawga Africa ee Soomaaliya ka socda si dawlada cusub loogu gacan siiyo sugudiga amaanka iyo hanashada dalka oo dhan.
Catherine Ashton waxay sheegtay in Soomaaliya oo waa cusub uu hadda u furmay ay ka taageerayaan xasilintiisa waxaana ay sheegtay in dhaqaalahaan ay ku bixinayaan ciidamada AMISOM ay qeyb ka tahay balan qaadyo Midawga Yurub horey sameeyay.
Lacagtaan ayay inay ugu talo galeen in lagu bixiyo hawlgalka ay ciidamada AMISOM ka wadaan gobolada dalka ee ay ku xoreynayaan dagaalyahanada Al-Shabab.
“Midawga Yurub wuu sii wadayaa taageerida ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Africanka ah ee caawinaya waana sii socon doontaa arrintaan” ayay tiri Catherine Ashton o midawga Yurub u qaabilsan arrimaha siyaasadda dibbadda.
Ashton oo ku sugan magaalada New York kana qeyb galaysa shirka golaha guud ee Q,M uga socda magaaladaaasi ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu la shaqeyn doono dawlada cusub ee Soomaaliya kana taageerayso dhinacyada amaanka iyo siyaasadda
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|