Somali News
    Hees  

Munaasabad lagu sagootiyey madaxweynihi hore laguna soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia oo maanta ka dhacday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Mogadishu Arbaco 26 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasabad lagu sagootiyey madaxweynihi hore laguna soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia oo maanta ka dhacday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir lagu qabtay xaflad lagu sagootinayey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyey madaxweynaha cusub Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaflada oo ay kasoo qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo qaban qaabiyey maamulka degmada Wadajir.

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mid ahaa mudanayaashi ka socday baarlamaanka ee munaasabada ayaa soo hadal qaaday xaaladaha amaan dari ee maalmihi lasoo dhaafay ka jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo isugu jiray dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, isaga oo tacsi u diray dhamaan ehelada iyo asxaabti ay ka baxeen dadki Soomaaliyeed ee u badnaa saxafiyiinta ee ku dhintay mid ka mid ah qaraxyadaasi.

Cumar Filish ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo Ra'isulwasaare u qalma xilkiisa isla markaana samatabixin kara umada Soomaaliyeed.

"Waxaa sharaf inoo ah in maanta aan halkaan isugu imaano kulankaan aan ku sagootineyno madaxweynihi hore kuna soo dhaweyneyno madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, runti waxaa lagu jiraa xalad kala guur ah arinta ugu muhiimsan ee aan rabo in aan abaaro waxa waaye arinta Ra'sulwasaaraha, waxaan ka codsanayaa madaxweynaha inuu soo magacaabo Ra'isulwasaare dalkaan samatabixinkaro soona celin karo amaanka iyo kala danbeynta," ayuu yiri xildhibaan Cumar Filish.

Xildhibaan C/wali Sheekh Muudeey oo mar soo noqday gudoomiye ku xigeenka baarlamaani hore ee kumeel gaarka ahaa, ayaa ku amaanay maamulka degmada Wadajir horumarka xaga amaanka ee ay degmada ku talaabsaday, isaga oo dadka deegaanka ka codsaday in ay maamulka la shaqeeyaan.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay xafladaan qiimaha badan ee ay dadka qaaliga ah kasoo qeybgaleen, aniga waxaan ka tirsanahay dadka reer Wadajir gaar ahaan xaafada Janaraal Daa,ud, waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaa in badan la sheregay soo dhaweynta madaxweynaha cusub iyo sagootinta madaxweynihi hore marka aniga waxaan ka mid ahay dadka la sagootinayo, waxaan rabaa in aan xuso degmada Wadajir oo qiimo gaar ah inoo leh waxay kaloo inoo leedahay xusuus gaar ah waana qiimaha nabadgalyada oo aan isugu nimid xafladaan qiimaha badan," sidaa waxaa yiri xildhibaan Muudey.

Ugu danbeyntiina gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) oo hadal dheer goobta ka jeediyey ayaa u hambalyeeyey kooxda deegaan ee dalka Jabuuti oo xaflada kusoo bandhigtay heeso guubaaba.

Axmed Daaci ayaa ku amaanay madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed shaqada uu ka qabtay amniga gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuu tilmaamay in shaqadi uu qabtay Sheekh Shariif ay suura gelisay in dalka marki ugu horeysay mudo 40 sana ah lagu qabto doorasho xor ah.

"Xafladaan waxaan ugu tala galnay in aan kusoo dhaweyno madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Dimoqraadiyada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ku sagootineynaa madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, marka hore waxaan u hambalyeynayaa Sheekh Shariif madaxweynihi hore oo suurta geliyey in maanta uu soo gaaro heer la isku doorto gudaha magaalada Muqdisho, waxaan leeyahay madaxweynaha cusub shacabkan wuxuu u baahanyahay nabad, horumar iyo cadaalad sidaasi daraadeed waxaan kaa codsaneynaa madaxweyne in aad xooga saartid amniga iyo cadaalada," ayuu yiri Axmed Daaci.

Xafladi maanta ayaa lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee lagu soo dhaweeyey madaxweynaha cusub oo lagu qabto magaalada Muqdisho.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)