Somali News
    Hees  

Taliska Ciidamada Nabadsugida Soomaaliyeed oo uga sheegay cidii lagu arko Hub iyo Walxa Qarxa in lala wareegi doono Guryahooda

Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliska Ciidamada Nabadsugida Soomaaliyeed oo uga digay dadka iska leh guryaha ee ka kiraysta Al-Shabaab ama lagu arko Hub iyo Walxa Qarxa in lala wareegi doono Guryahooda.

Hay'adda Nabadsugida Qarabka Soomaaliyeed ayaa maalintii 3-aad soo bandhigtay ku dhawaad 100- Ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayna Ammaan daro ka wadeen Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan waday Howlgalo ay ka sameynayeen xaafadaha Muqdisho, iyadoo howlgaladii ugu dambeeyay ee soconaayay shalay ilaa iyo xalay, lagana howlgalay degmada Dayniile oo dadka ugu badnaa laga soo qab qabtay.

"Howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamadu sameeyaan waxaa lagu soo qabtay ilaa 80 Ruux oo rag ah oo loo haysto Al-Shabaab-nimo , waxaana sii daynay ilaa 37 kale markii ay wax Dambi ah ku waynay, inta aan hadda hayno Maxkamad ayaan u gudbin doonaa" ayuu yiri Khaliif Ereg Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa digniin u jeediyay dadka iska leh Guryaha Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku wargeliayay in Gurigii laga helo inta ay Howl galadaasi Socdaan Hub iyo waxyaabaha Qarxa ay Dowladu si toos ah ula wareegi Doonto, wuxuuna ugu Baaqay Dadka iska leh Guryaha inay iska hubiyaan dadka ay Guryaha ka Kireysanayaan.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)