Somali News
    Hees  

William Hague : "Ingiriisku waxa uu taageero ula taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, madaxdana waxaa laga doonayaa inay musuq maasuqa ka hor tagaan.."

Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


William Hague : "Ingiriisku waxa uu taageero ula taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, madaxdana waxaa laga doonayaa inay musuq maasuqa ka hor tagaan.."

Xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska William Hague ayaa ka sheegay magaalada New York in dawladiisu ay Soomaaliya ugu deeqayso 10, Millioon oo lacabta Ingiriiska ah taaso qeyb ka ah taageerada Ingiriisku ugu talo galay.

"Ingiriisku waxa uu taageero ula taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, madaxdana waxaa laga doonayaa inay musuq maasuqa ka hor tagaan." ayuu sidoo kale yiri William Hague waxaana uu intaa ku daray inay qorshaha ugu jirto in dhawaan ay safaaradooda ka furan doonaan magaalada Muqdisho.
 
William Hague waxaa uu tilmaamay in madaxda dawlada Ingiriiska ay garab taagan yihiin madaxda Soomaaladi i sla markaana ay soo dhaweynayaan isbadalka Soomaaliya oo uu taariikhi ku tilmaamay.

"Dawlada Soomaaliya ayaan ugu talo galnay lacagtaan si ay hawsheeda deg deg ugu qabsato waana qeyb ka mid ah taageerada aanu Soomaaliya ugu talo galnay" ayuu yiri xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska William Hague.

Xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Dawlada Soomaaliya ay keenaan hanaan dawlad wanaag ah oo aan musuq maasuq laheyn iskuna xira Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)