|
Ciidamada Booliska iyo Maamulka Degmada Hodan oo Maanta Muqaadaraad ku soo bandhigay Saldhiga Hodan
Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Booliska iyo Maamulka Degmada Hodan oo Maanta Muqaadaraad ku soo bandhigay Saldhiga Hodan.
Saraakiisha Booliska iyo Masuuliyiinta Degmada Hodan ayaa shalay
waxaa ay Saldhiga Degmada Hodan ku soo Bandhigeen waxyaabaha Maanka
Dooriya oo aad ufara badnaa ku waas oo ay Ciidamadu ka soo Qabteen
Howl gal ay Xalay ka sameeyeen Xaafado ka Tirsan degmadasi iyo ragii
watay oo gaarayay 2 Nin.
Waxyaabaha la soo bandhigay ayaa waxaa ay isugu jireen Kortoomo ay ku
jiraan Dhalooyin Qamro ah iyo Xashiishad waxaana Saraakiishii
Saxafada la hadlay ay Sheegeen in waxyaabahaan ay soo bandhigeen ay
yihiin kuwo qayb ka ah Amaan darada ka jirta Magaalada Muqdisho .
Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamuud warsame Dhabarey ayaa ugu
horeyn halkaasi ka hadlay waxaana uu u mahad Celiyay Ciidamadii
Sameeyay Howl Galkaan lagu soo qabtay Maan dooriyaha isagoo intaa ku
daray in Maal mihii u Dambeeyay Ciidamadu Boolisku ay laba jibaareen
Howl galada ay ku sugayaan amaanka Degmada .
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen-Axmed Xasan Maalin
ayaa isna Goobta ka hadlay waxaana uu sheegay in Howl galkaan ay
Ciidamadu Ka sameeeyeen degmada hodan uu qayb ka yahay Howl gal Guud
oo Ciidamadu ay ku sugayaan Amaanka Magaalada Muqdisho hadii aan wax
yaabaha Nuucaan oo kale wax laga qabana uusan amaan jiri karin .
Ugu Dambeyntii ayaa waxaa isna halkaa Hadal kooban ka jeediyay
Taliyaha hay.ada dambi barista C I D Gen C/laahi xasan braise oo
sheegay in Qamrigaan lagu soo farsameeyo wadanka Eithopia ka dibna
loo soo suuq Geeyo Soomaaliya isagoo ku Tilmaamay mid ka qayb
qaadanaya Dhibaatada Dalka .





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|