Somali News
    Hees  

Somaliland oo si buuxda u sheegtay inay cafis u fidinayso maleeshiyaadka ka soo goosta Al-Shabaab

Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Somaliland oo si buuxda u sheegtay inay cafis u fidinayso maleeshiyaadka ka soo goosta Al-Shabaab.

Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inuu cafis u fidinayo maleeshiyaadka ka soo goostay ururka Al-Shabaab, waxaana kulan ay yeesheen labada Gole ee Somaliland ay uga hadleen xaaladda amniga gobolada ay Xukuumadu maamusho oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan falal amni darro oo ay halkaasi ka geystaan maleeshiyaadka ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Kulanka dhex maray golayaasha Somaliland waxaa ka hadlay Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Soomaaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo sheegay in xasiloonida Somaliland ay ku xiran tahay nabad ka dhacda magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in guud ahaan gobolada Koonfurta ay ka jiraan dagaallo ay ka wadaan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay suuragal tahay inay u soo gudbaan Somaliland.

"Wixii ka dhaca gobolada Koonfur saameyn ayay ku yeelanayaan Somaliland" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale oo intaasi raaciyay in waxyaabaha kale ee saameynta ku yeeshay ay tahay isticmaalka Baasaboorka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay madax bannaanida Somaliland ayuu sheegay Wasiirka in Somaliland ay tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya intiisa kale, hase yeeshee waxa uu soo dhoweeyay hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsanaa in horay loo sii wado wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

"Waan soo dhoweynayaa hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh, hase yeeshee waxaan idiin caddenayaa in Somaliland ay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale" ayuu yiri Md. Maxamed Nuur Caraale oo sheegay in Somaliland ay u tashaneyso aayaheeda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)