|
Ban Ki moon : "QM waxa ay idiin
ballan qaadeysaa inay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka
Soomaaliyeed iyo dowladdooda."
Mogadishu Khamiis 27 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ban Ki moon : "QM waxa ay idiin
ballan qaadeysaa inay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka
Soomaaliyeed iyo dowladdooda."
Xogayaha guud ee QM Ban ki moon oo ka hadlayay shir gaar ah oo QM ay
ka yeelatay arimaha Somalia ayaa talaabo horumar ah waxa uu ku
tilmaamay isbadaladii ka dhacay dalka Somalia oo ay kamid aheyd ka
gudbistii xilliga KMG.
Ban ki moon ayaa sheegay in dalka Somalia haatan uu cagta saaray
wadadii horumarka iyo dib u hishiisiinta oo uu ka soo baxayo
dhibaatadii uu ku jiray , waxana beesha caalamka uu ugu baaqat inay
ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Somalia .
"Waxaa xilligan la joogaa waqtigii soomaalida laga gacan siin lahaa
sidii dalkooda ay dib ugu dhisi lahaayeen , waayo waxa ay
dimuquraadiyad ah ay u doorteen dowlad aan KMG aheyn ,QM waxa ay idiin
ballan qaadeysaa inay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka
soomaaliyeed iyo dowladdooda."ayuu ban ki moon ku yiri hadalkii uu ka
jeediyay shirkii QM arimaha Somalia ay ka yeelatay.
Xogayaha guud ee QM Ban ki moon waxa kale oo uu sheegay in beesha
caalamka looga baahanyahay inay sii laba jibbaaraan Kaalmada ay
siinayaan shacabka soomaaliyeed oo qaarkood weli la daala dhacaya
abaartii sanadkii hore.
"Waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad sii xoojisaan oo aad kordhisaan
gaalmada aad siineysaan shacabka soomaaliyeed , islamarkaana aad ka
caawisaan sidii dalkooda amaan iyo hurumar ay u gaarsiin lahaayeen "ayuu ban ki moon ugu baaqay beesha caalamka.
In Soomaaliya ay dhameystirato dhisida hay’adaha dastuuriga ah iyo in
4, sano ee soo socota loo gudbo in dadku afti u qaadaan dastuurka
cusub iyo inay dadka codkooda dhiibtaan ayuu tilmaamay inay tahay
hawsha ugu horeysa ee hor taala madaxda dawlada Soomaaliya
La taliyaha Ban ki moon ee dhinaca siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa
sidoo kale isna ballan qaaday in QM ay dhisi doonto koox diiradda
saarta rabitaanka shacabka soomaaliyeed oo ka caawisa sidii si dhaqsi
ah loogu abuuri lahaa nidaam cadaalad iyo sinnaan ay ku jirto oo
soomaalidu ay yeelato.
Ban Ki Moon waxaa uu u hambalyeeyay M/weynaha Soomaalyia Xasan Sh
Max’ud oo shirka QM uga qeyb qaatay dhinaca Satellitke.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|