|
Ninkii ka dambeeyay Qabashada GADDAFI oo ku geeriyooday dalka France
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ninkii ka dambeeyay Qabashada GADDAFI oo ku geeriyooday dalka France.
Omaari Shaaban waa ninka la'aaminsan yahay in uu ka dambeeyay qabashada Col. Muammar Gaddafi isagoo ku dhex jira kanaalka biyaha wasaqda maraan sanadkii hore, wuxuuna u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray markii ay afduubteen garaacidna ay u geysteen taageerayaasha GADDAFI.
Geeridiisa maalintii Talaadada 25/09/2012 cusbitaal ku yaal dalka France waxey sare u qadeysaa degenaasho la'aanta, dowlada la doortay, booliiska iyo milaterigaba waa in ay xoog isticmaalaan hadii loo baahdo in la xiro kuwii afduubtay 22 sano jirkii geeriyooday iyo saaxiibadii bishii july ee sanadkan meel u dhow magaalada BINI WALIID .
Shaaban golaha qaranka ayaa siiyay abaal marinta loo yaaan waajib gudashada shadiidka, inkastoo qoyskiis ay sheegeen in aaney waligood helin balantii abaal marinta oo aheyd 1 million oo Dinarka Libya ah oo u dhiganta 800 kun US DOLLAR, taas oo uu ku muteystay qabashadii GADAFI 20-kii October 2011, ee magaalada Sirta.
Dowlada libiya waxa ay sheegtay in SHAABAN ay ku maamuusayaan aas ku haboon oo geesinimo, Airport-ka ilaa Misrata dad isku daba xiran 00 10 kun oo qof kabadan ayaa salaamayay waxaana salaada jinaasada lagula tukaday Garoonka kubada cagta.
Qoyska Shaaban waxey sheegeen in isaga iyo 3 saaxiibadiis ah ay u soo socdeen Misrata fasaxooda July ayna soo weerareen rag hubeysan halka lagu magacaabo EL - SHIMEKH oo u dhow Bini waliid oo ah magaalo ay ku nool yihiin 100 kun oo qof waana magaalo ay kusii xoogan yihiin taageerayaasha GADDAFI kana go'doonsan dalka Libya intiisa kale.
Shaaban iyo saaxiibadiis oo ay jeclaayeen dad badan oo Libyan ah oo hubeysnaa , gadaal ayaa laga rasaaseeyay 2 xabadood ayaana shacbaan ku dhacay wuxuuna noqday PARALYSED, madax weyne Mohammad El - Magarif oo bishan booqday Bini waliid ayaa si kalsooni leh usoo daayay Shaaban iyo 3 saaxiibadiis ah inkastoo 4 kale weli lasii heysto.
Omaari Shaaban markii uu ugu dambeyn gurigiisa soo gaaray wuxu ahaa maqaar iyo lafo sida uu sheegay walaalkiis Cabdulaahi , waxaa cadeyd in si saa'id ah loo garaacay ,xabadkiisa oo dhana waxaa cad cad loogu jaray sakiin ,wajigiisana waa uu isbadalay mana aheyn walaalkeygii aan aqiin sidaa waxaa mar kale yiri shaaban walaalkiis,Shaaban waxaa duuliyay France si loogu soo daweeyo .
Omaari Shaaban wuxuu ahaa cunuga 2-aad ee ugu yar qoyskooda oo ka koobnaa 9 caruur ah ,wuxuuna ka tirsanaa gaashaanka Libya maleeshiyada ugu balaaran , madaxii hore ee golaha degaanka Misrata Khalif Al zawawi waxuu yiri dowlada waa jebisay balantii heshiiska ee ahaa in ay bixiso abaal marinta Shaaban .
Cabdulaahi Shaaban waxuu yiri walaalkey wuxuu ku xisaabtamayay inqabashadiisii GADDAFI ay aheyd howl qaran, dhinaca kale war saxaafadeed uu soo saaray talaadadii madax weynaha Libya ayuu ku balan qaaday in kuwii mas'uulka ka ahaa weerarkii Omaari Shaaban la ciqaabi doono, si kastaba ha ahaatee xirista iyo hub ka dhigista dagaal yahanada Bini Waliid waa arin dhibaato iyo cabsi leh oo soo wajaheysa dowlada maadaama ay heystaan hub aad u fara badan oo noocyo kala duwanleh.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
Muusekiimiko@gmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|