|
Xildhibaan Jamac Barafuun"Xukuumada Faroole Waxay Hirgalisay Waxaan ku Guulaysan Weyney 14 Sano oo Puntland Jirtey Sanad Lookordhiyana"
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xildhibaan Jamac Barafuun"Xukuumada Faroole Waxay Hirgalisay Waxaan ku Guulaysan Weyney 14 Sano oo Puntland Jirtey Sanad Lookordhiyana"
Xildhibaan Jamac Salaad Yuusuf oo kamid ahaa Xildhibaanadii Hore oo Puntland Hataana ku sugan Magallada Adisaba ee Dalka Ethiopia ayaa Shir Jaraa’id oo uu ku Qabtay Halkaasi Waxaa uu kaga Hadlay Maraxaladaha Xiligaan ka jira Puntland iyo Muddo kordhintii Sanadka ah oo Dadka Qaarkod Aaminsan yahay In lagalay Xili kala Guura Madaxweyne Faroolana Xiligii ka Dhamaaday.
Jamac Salaad Yuusuf Ayaa ugu Horeyn ka Hadlay Arinta Muranku ka Taagan yahay Iminka oo ah Muddada Sanadka ah ee Baarlamaanku u Kordhiyey Xukuumada Iyo Madaxweynaha’’’’’’ Baarlamaanku Xaq ayey u leyihiin wixii umada Maslaxadoodu ku jirto Iyagana Matala Shacabka Reer Puntland Sababta Keentay inay Kordhiyaan Waa Mid ay u arkeen Inay ku jirto Danta Bulshada Mudada Sanadka ah Lagu hirgalin karo Asxaab waxaan u arkaa inay ku Saxan yihiin Danweyna ugu jirto Shacabka Reer Puntland ayuu yiri Xildhibaan Jamac Sallaad.
Sido kale Xildhibaan Jamac Sallaad waxa uu Xusay inu Baarlamaanka Puntland uu kamid ahaa Tan iyo Intii Puntland Ladhisay uuna Lasoo Shaqeeyey Madaxweynayaashii Ka Horeeyey Faroole oo kala ahaa C/laahi Yusuf Axmed Maxamed Cabdi Xaashi Cadde Muuse Xirsi Intaas oo Madaxweynana ay Hirgalin waayeen Xisbiyada Baarlamaankuna diyaariyeen 2002 Muddo Badana lasugayey Lakiin Nasiib Daro Kuma ay Guuleysayn Balse Haatan waa mid u muuqata in uu Madaxweyne Faroole Hirgaliyey marka la eego Ergooyinkii Garoowe ku Ansixiyey Dastuurka Marka La’eego Gudiga Hirgalinta Xisbiyada oo u Madax uga dhigay Nin Miisan kuleh Puntland ’ Marka La’eego Digreetadii uu kusoo Saaray In Xisbiyo lasameeyo.
Sido kale waxaa uu sheegey Jamac Sallaad Xiligaan In Puntland lagu Tilmaami karo meel uu hore mar kahana qaaday ay u Gudubtey habkii Xisbiyada Sanadkii 15aad Xisbiyo hadii lahelo waxaa lahelayaa Cadaalad Buuxda Sinaan Xoriyatul Qawl ila Heer Degmo min Gobol Marka waxaana ku Talin lahaa Hindisahaas si uusan Qabyo u Noqon Xukumadaan iyo Baarlamaankeduna u Fuliyaan waa Inaan Sugnaa.
‘’’’’Waan Filayaa Hadalkaygaan Inuusan ka Farxinayn Rag Badan oo Maanta Puntland Xamaasad ka Abuuraya waxaana oran lahaa Hal Bilqaday Barikuma Dariwaydo Hadaad Maslaxada umada Dooneysan mudana sugeyseen Suga Sanadkaas Dowlada u haray Guryihiina iyo Caruurtiinana Dab hakushidina Amnidarada iyo Kicintana Joojiya Intii Puntland Jirtey waad Shaqaynaseen Xubno Muhiim ahna waad ka ahayden Waxaa aad intaas ku Qaban waydeen Fowdo iyo Khalkhal Abuurtan Maanta ku qaban maysaan.
Dhinaca kale waxaa uu Xildhibaan Jamac Sallaad wax lalayaabo Ku Tilmaamay Dastuurka Puntland oo Qodobo Badan ka Kooban in hal qodob oo kaliya lagu Hadaaqo Dhowr Sano marka lajoogo Qodobkaas oo ah in Isbadal Doorasho dhacdo Qodobkaasna ay ka dhawaajiyan Shaqsiyaadka Kursi Doonka ah waxaana oran kara waa dan shaqsi oo ku kooban inuu Madaxweyne Helo Ninka leh Maalin lagu Darimayo Doorashada Qodobadii kale maxay uga hadli wayeen oo kuligod Qeexayey Dahana shacabka.
Sido kale waxa uu sheegey Puntland inay ku dhisan tahay wadatashi ee aysan Shaqi Gacantiisa ku jirin Ninkii Doorasho Madaxweyne Doonayana waxan kula talinayaa Inuu Furashada Xisbiyada ka Qeyb galo waxaana Xukuumada ugu Baaqay Mudada Sanadka ah inay ka dhabayso Balan qaadyada ay samaysay Waxaana uu wax lagu Farxo ku Tilmaamay Canshuur Dhimista Xukumadu u Samaysay Shacabka oo ugu Hanbalyey.
Ugu Danbeyntii Waxaa uu Shacabka Puntland ugu Baaqay inay Dhowrtaan Amniga iyo Xasiloonida ay haystaan wixii Dantoodana ilaashadaan Ururada Bulshada sida Haweenka Dhalinyarada Aqoon yahanka Siyaasiyiinta Culima udiinka Isimada Ganacsatada Jaaliyadaha Dibada iyo Cidkasta oo Reer Puntland ah waxaana ugu Baaqaya in Lagu Kalsoonaada 66 Xubnood oo Baarlamaanka ah Maadama ay Ina Matalaan Iyagu Xukuumadana Wakhtiga ay ugu Dareen Lasugo Loona Diyaar Garoobo Doorashohab Xisbiyeed ku Timaada Dhamaadka Xiliga ay Kordhiyeen Xiligaasna Qof walba Nidaam Xisbi Wax Ku Doorto
Xildhibaan Jamac Sallaad Yusuf (Barafuun)
Jamac.99@hotmail.com
+251924917215
idle moallim omar
iidle007@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|