Somali News
    Hees  

C/Weli Gaas : “Ciidamada Kenya hadda waxay galeen magalada Kismaayo oo ay kooxaha Al-Shabab ku sugan yihiin qorshuhuna waa in saacadaha soo socda ay la wareegaan..."

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


C/Weli Gaas : “Ciidamada Kenya hadda waxay galeen magalada Kismaayo oo ay kooxaha Al-Shabab ku sugan yihiin qorshuhuna waa in saacadaha soo socda ay la wareegaan..."

Ra'iisul /wasaarihii hore ee xukuumadii waqtigeedu dhamaaday Prof C/wali Max’ed Gaas oo asagoo ku sugan magaalada New York oo uu uga qeyb galay shirkii Q,M ayaa sheegay in qabsashada Kismaayo ay dawlada Soomaaliya u tahay fursad muhiim ah.

Wareysi oo siiyay Tv,ka Al-Jazeeera qeybtiisa ku hadasha afka Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo ciidamada gudaha u galay magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay guul muhiim ah ku tilmaamayso in Kismaayo ay gacanta dawlada soo gasho waxaana uu intaa ku daray in Kismaayo ay dawlada Istaatiiji u tahay.

“Ciidamada Kenya hadda waxay galeen magalada Kismaayo oo ay kooxaha Al-Shabab ku suganyihiin qorshuhuna waa in saacadaha soo socda ay la wareegaan ciidamada qaarkood waxay ka dhaqaaqeen dhanka dhulka” ayuu yiri C/wali Max’ed Calii Gaas oo ah R/wasaarihii xukuumaddii ku meel gaarka aheyd.

Mar uu ka hadlay xaaladda magaalada ayaa waxaa uu sheegay inuu xog ku hayo in qeybo ka mid ah magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya iyadoona ay ku dhaw yihiin kuwa Soomaalida waxaana uu sheegay inay ku faraxsan yihiin waxa magaaladaasi ka jira xilligaan.

C/wali Max’ed Gaas waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in hawlgaladu sii socon doonaan oo ay gobolka oo dhan Shabab ka saari doonaan.

Sidoo kale sii haya xilka R/wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah si ay dalka u hanato.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)