|
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo soo dhoweeyay howlgalada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo soo dhoweeyay howlgalada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab
Bayaan ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa looga hadlay xaaladda wadanka, gaar ahaan howlgalada dalka looga saarayo kooxaha ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, iyagoo ku booriyay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inay sii laba laabaan howlgaladooda.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda, ayna ku soo wargeliyaan kooxaha Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Muqdisho" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo u mahad celiyay dadweynaha Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay in ciidamada Dowladda ay gacanta ku soo dhigaan dhallinyaro Shabaab la shaqeysa.
Golaha ayaa sheegay in howlgaladii ka dhacay magaalada Muqdisho toddobaadkaan uu ahaa mid guul ku dhammaaday bacdamaa qaar ka mid ah dadkii lagu soo qabqabtay ay ku cadahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, taasi oo ay sheegeen inaysan suurgeli lahayn haddii aanu dadweynaha la shaqeynin ciidamada Dowladda.
Dhinaca kale Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa soo dhoweeyay howlgalada ay ciidamada Dowladda ka wadaan gobolada Jubbooyinka, waxayna shacabka magaalada Kismaayo ugu baaqeen inay soo dhoweeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo haatan ku hareereysan magaaladaasi si ay uga dulqaadaan gumeysiga ay ku hayaan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.
"Waxaan cambaareyneynaa kooxaha caadeystay ugaarsiga Suxufiyiinta, waxaana tacsi u direynaa dhammaanba Weriyeyaashii sababta looga dhigay geeridooda kuwa gacan ku dhiiglayaasha ah" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiin ka Ahlu Sunna oo dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan sidii kooxahaasi sharciga loo hor keeni lahaa.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|