|
Dowladda Kenya oo sheegatay inay qabsatay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose
Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Kenya oo sheegatay inay qabsatay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.
Col Cyrus Oguno oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa goor dhaw u sheegay warbaahinta inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada waxaana uu intaa ku daray in ciidamadooda ay hadda magaaladda isku fidinayaan.
Xaaladda ayuu sheegay in ay hadda dagan tahay waxaana uu shaaca ka qaaday in ciidamadii ugu tirada badnaa ay magaalada galiyeen.
"Magaaladda Kismaayo gacanteena ayay ku jirtaa annagaana maamulna xaaladuna waa ay dagan tahay" ayuu yiri Col Cyrus Oguno
Dadka Kismaayo ayuu ugu baaqay inay is dajiyaan afhayeenku.
Ciidamada dawlada Kenya ayaa xalay gudaha u galay magaaladaasi Kismaayo oo Shababku maamulayeen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|