Somali News
    Hees  

GOS oo Xaflad Dhiirigelin u Sameysay Xulka  Kubadda Cagta ee 17-jirada

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


GOS oo Xaflad Dhiirigelin u Sameysay Xulka  Kubadda Cagta ee 17-jirada

MUQDISHO: Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xaflad dhiirigelin iyo soo dhaweyn guushii Xulka Qaranka ee da`doodu ka  yar tahay 17ka sano  oo 21kii bishan magaalada Khartoum xulka dalka Suudaan ay kaga reebeen wareegii hore  Tartanka Isreeb-reebka Ciyaaraha Dhallinyarada Qaaradda Afrika.

Ugu horeyn Guddoomiyaha  wafdiga Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa ka warbixiyay xulka isagoo tibaaxay in ay xulka muujiyeen isku xirnaan, asluub tasoo uu sheegay in ay suragelisay inay guul Taariikhi soo hoyaan.

Guddoomiyaha  XSKC  Cali Siciid Guuleed ayaa uga Mahadceliyay GOS dhiirigelinta ay xulka u sameeyeen wuxuuna tilmaamay in dadaal weyn loo soo galay  carbinta xulka 17-jirada oo uu sheegay in ay yahiin geeseyaal muujiyay horumarka K/Cagta dalkeena.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax ayaa sheegay in ay farxad u tahay GOS inay kala qeybqaadato bahda Isboortiga farxadda  guusha  xulka ka gaaray  tartanka dhallinyarada Qaaradda Afrika.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay  guushan , waxay tani cadeyn u tahay in Isboortigu u baahan yahay in lagu fara adeego dadaalkii badnaa ee la muujiyay loogana qeybgalay tartamadii caalamiga ahaa waxay mirahiisu noqdaan guulahan, Xulka wuu badiyay qiimeyntii FIFA ee Soomaaliya kor ayay u kacday – waxaana idinku adkeynayaa in la muujiyo dadaal dheeri ah si sumcadda Ciyaaraha Soomaaliya  ay kor uga sii kacdo”ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada  Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Isboortiga  Cabdullaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] ayaa sheegay inuu goob joog u ahaa guusha Taariikhiga  ahayd , wuxuuna xusay inuu  Isboortigu u baahan yahay taageero dhinac  walba ah  si niyadda ciyaartoyda u noqoto mid sareysa. Wuxuuna balan qaaday in wasaaradiisu gacan ka gaysanayso horumarinta iyo dhiirigelinta  Isboortiga guud ahaan.

Dhinaca kale Garsooraha Caalamiga Xasan Aadan X. Yabaroow  (Xasan Wiish) ayaa xulka guddoonsiiyay  abaalmarin lacageed oo dhan 500$ oo uu sheegay in  Wish Academy ay ku dhiirigelinayso guusha Taariikhiga oo ay gaareen xulka ka yar 17-jirada.

Guud ahaan Xafladdan Qado Saharafta oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada GOS,  Ciyaartoyda Xulka. Iyadoo si weyn lagu soo dhaweeyay guusha  xulka da`yarta 17-jirada,  waxayna ahayd mid ay ka muuqatay farxad, dhiirigelin  iyo dardaaran la xiriira in xulka guulo ka soo hoyaan kulmada ku soo fool leh sida kan ay ku balansan yahiin Xulka Algeria  12ka bisha Oktoobar.









 
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone: +2526-1-5520008+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)