|
Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Nuuradiin oo Koobsaday Kaalmaha ugu Sarreeya Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
Jimco 28 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Nuuradiin oo Koobsaday Kaalmaha ugu Sarreeya Natiijada Imtixaankii Shahaadiga Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
- Dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin oo ka mid ah iskuullada gaarka loo leeyahay, uguna ballaadhan ee ka dhisan Somaliland, ayaa markii ugu horreysay taariikhda koobsaday tirada ugu badan ee ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay natiijada imtixaannaadkii shahaadiga dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka oo si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaankaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shir-jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen maanta xarunta Imtixaanaadka ee magaalada Hargeysa, waxay kaga dhawaaqeen natiijada imtixaanaadkii shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2011/2012 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland oo ay u fadhiisteen ardayd tiradoodu dhan tahay.
Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa caddeeyey in sannad-dugsiyeedkani ahaa kii ugu dhibta yaraa hawlaha imtixaanaadka shahaadiga ah ee xafiiskiisu u xilsaaran yahay, isagoo meesha ka saaray in wax dib-u-dhac ah ku yimi waqtigii loo qoondeeyey ku dhawaaqista natiijada imtixaannaadka dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.
“Sannadkan imtixaanka la qaaday waa sannadkii noogu dhinaca hawlaha imtixaanaadka, waxaanan idiin sheegayaa in aan wax dib-u-dhac ah ku iman waqtiga lagu dhawaaqayo imtixaanka, iyadoo uu xagga hore waqtigii la qaadayey dib-u-dhac ku yimi, haddana waxaannu ku dedaalnay in aannu wax dib-u-dhac ah ku iman waqtiga lagu dhawaaqayo waxana lagu dhawaaqi jiray September, iminkana waqtigii uun baa lagu dhawaaqayaa,” ayuu Daa’uud Axmed Faarax.
Guddoomiyaha oo faahfaahin ka bixinayey wax-ka-beddel ay ku sameeyeen darajooyinka lagu qiimeeyo natiijada imtixaanaadka ardayda laga qaado waxa uu intaa ku daray, “Waxaan ardeyda u sheegayaa in barigii hore ay noogu hoosaysay darajooyinka lagu gudbo D, iyadoo aannu soo kordhinay in qofka keena D uu ku ceshan karo imtixaanka oo dib u gali karo si uu natiijada imtixaankiisa kor ugu soo qaado, taas oo loo oggolyahay.”
Guddoomiyaha hay’adda waxbrashada Afrika ee AET oo hawlaha imtixaanaadka shahaadiga ah ka caawisa Somaliland Mr. Xasan Embassy oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay hay’ad ahaan ku kalsoon yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo qaabka maamulka imtixaanka, isagoo xusay inay la soo shaqaynayeen muddo toddoba sanno ah Guddida Imtixaanaadka Qaranka.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa hambalyo u dirtay guud ahaan ardayda ka qaybgalay imtixaanaadka shahaadiga ah, iyadoo wax lagu farxo ku tilmaantay inay sannadkan u fadhiistaan ardaydii ugu tirada badnaa oo dalka gudihiisa wax ku bartay.
“Sannadkan ardeyda imtixaanaadka u fadhiisatay dugsiyada sare waxay dhan yihiin 5842 ardey oo kala dhigta 63 dugsi, waxana gudbay 5645 ardey, iyadoo ay daceen 3 ardey oo ka tirsan dugsiyada Gobolka Maroodi-jeex, waxana imtixaankan ka maqnaaday 187 ardey.
Dugsiyada dhexe waxa galay imtixaanka sannadkan 11,626 ardey, kuwaasi oo kala dhiganayey 212 dugsi, waxana najaxay 11,608 ardeym 407 ayaa ka maqnaaday, waxana dhacay 9 arday,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Gunaanadkii shirkaa jaraa’idna waxa laga shaaciyey magacyada 20 arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanaadka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2011/2012 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka, kuwaasoo ay si la yaab leh kaalmaha ugu horreeya, uguna badan ka galeen ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin oo ku guulaystay inay xataa sannadkan ka dhibco sarreeyaan kuwa wax ka barta dugsiga sare SOS ee degmada Sheekh.
Magacyada tobanka arday ee ugu sarreeyey dugsiyada sare ee dalka oo ay ku jiraan kuwa iskuulka SOS waxay kala yihiin:
1. Mohamuud Muuse Ali Egeh Nuuradiin 1
2. Hamse Faarah Abdilaahi Abdi Nuuradiin1
3. Muuse Ahmed Aynaanshe Odowaa SOS
4. Abdifatah Ahmed Abdi Sarhaye Nuuradin 1
5. Abdirahmaan Huseen Ismaacil SOS
6. Abdiwahaab Mohamed Abdirahman SOS
7. Ahmed Xersi Osman Awed SOS
8. Mohamed Sugule Abdi Rageh Abuhuraira
9. Salma Hassan Osman Dualeh ILAYS Hargeysa
10. Yahye Rashid Omer Farah Nuuradiin 1.
Tobanka arday ee ugu dhincaha sarreeyey imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka waxay afar ka mid ah ka tirsan yihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin, kuwaasoo koobsaday kaalmaha 1aad, 2aad, 4aad iyo 10aad.
Sidoo kale, tobanka arday ee ugu dhibcaha sarreeyey dugsiyada dhexe ee dalka waxay kala yihiin:
1. Mustafe Ismaaciil Maxamed Nuradin Maroodijeex
2. Cabdixakiin Yaasiin Saleebaan Sh Ibraahin Togdheer
3. Muna Maxamed Aadan Jaamac Nuradin Maroodijeex
4. Sakariye Axmed Siciid Cigeh Al-irshaad Maroodijeex
5. Farxan Jaamac Cabdilaahi Al-khayr Maroodijeex
6. Yaasiin Cabdillaahi Caydiid Sh Ibraahin Togdheer
7. Farduus Axmed Maxamed Smart Togdheer
8. Cabdiraxmaan Xasan Saleban 21 November Togdheer
9. Mawliid Axmed Barre New Gabiley Gabiley
10. Cabdiraxmaan Cisman Max’ed Oday X Max’ud Saaxil
Ardayda ka sokow, guulaha la yaabka leh ee dugsiyada Nuuradiin ka soo hooyeen imtixaanaadkii shahaadiga dugsiyada sare ee dalka inay markii ugu horraysay taariikhda ku dhibco tirsadeen ardayda ka qallinjebiyay Dugsiga hoyda Sheekh oo aan sanad qudha lagaga horumarin kala-sarraynta dhibcaha ardayda dugsiyada Somaliland.
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|