Somali News
    Hees  

Hey’adaha xuquuqda aadanaha oo dalbaday in maxkamad la soo taago madaxweynihii hore ee dalka Yeman

Mogadishu Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hey’adaha xuquuqda aadanaha oo dalbaday in maxkamad la soo taago madaxweynihii hore ee dalka Yeman.

Amnesty international iyo human rigts watch ayaa dalbaday in madaxweynihii hore ee dalka Yeman Cali Cabdalla Saalax laga qaado xasaanadii la siiyay islamarkaana la soo taago maxkamad .

Bayaan si wada jir ah ay u soo saareen hey’adahan ayaa waxa ay sheegeen in dadka reer Yeman ay doonayaan inay arkaan cali cabdalla saalax oo la maxkamadeenayo maadaama ay ku eedeenayaan inuu dambi ka galay dalka yaman mudadii 33 sano aheyd ee uu dalkaasi ka talinayay.

Warka ka soo baxay hey’adahan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa imaanaya xilli qeybo kamid dalka yeman ay ka soc daan dibadbax lagu dalbanayo maxkamadeynta madaxweynihii hore ee dalkaasi cali cabdalla saalax.

Cali Cabdalla Saalax ayaa talada dalka Yeman iska wareejiyay bishii febraayo ee sanadkan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)