Somali News
    Hees  

Xalad aad u weyn laguna taageerayey isbedelka Dowlada cusub oo lagu qabtey magaalada Boston ee dalka Mareykanka

Jimco 28 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad si weyn loo soo abaabuley laguna taageerayey Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaahiri ayaa xaley lagu qabtey Magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo ka kala yimid Gobalka Massachusetts iyo Gobollada u dhowdhow oo uu ka mid yahay Maine ayaa waxaa hoolkii soo buuxdhaafiyey dad aad ugu faraxsan isbedelka cusub ee Soomaaliya.

Fanaaniinta caanka ah ee Salaad Maxamed Shardi iyo Shankaroon Axmed Sagal oo ka yimid magaalada Portland maine iyo Fanaaniinta reer Boston ayaa halkaas waxeey ku soo bandhigeen suugaan wadaniya taasoo ka turjumeysay macnaha iyo macaanka Dowladnimaddu leedahay iyadoo ay dhamaan dadkii xafladda ka soo qeyb galey galisey dareen wadaninimo, sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka soo jeediyey tixo buraanbur ah oo aad u qiiro galiyey dhamaan qeybihii bulshada ee halkaas isugu yimid Safiyo Qooje, Muno Jaamac iyo Qadro Cabdi.

Xafladaan oo ay xiriirinayeen Milkiilaha websedka ceegaag Xuseen Fiin, iyo Saadaq suxufi oo si fiican loogu xusuusto Tvgii waaberi iyo idaacadii portland main oo uu ka ahaa soosaaraha ayaa waxa ay ku wadeen barnaamijka si hamsami ah oo aad u qurux badan.

Dadkii halkaas ka hadley oo ay ka mid ahaayeen Garaad Maxamed Food , Abdirahmaan M Hiiraamo, Mahdi Axmed Cali, Jaamac Guulwade Ruqiyo Siciid.

Ayaa waxey si isku mida ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed sh Cusmaan Jawaari iyagoo sheegeen in ay tahay guul noo soo hoyatey mar hadii laga baxay kumeelgaarkii kaasoo aan ku soo jirney xili aad u dheer loona baahan yahay in xil adag la iska saaro xaalada adag ee uu dalku marayo islamarkaana waxey shacabka ugu baaqeen in lala shaqeeyo Dowladda hal dhinacna looga soo wada jeesto cadawga Dhanka kalena waxay Amaan u soo jeediyeen Dadkii soo qabanqaabiyey xafladan quruxda badan oo ay ka mid ahaayeen Liibaan deeq iyo siciid.

Dhanka kale qaar ka mida Odayaasha Magaalada iyo dhamaan dadkii halkaas ka hadleyba ayaa tacsi u direen eheladii dadkii ku geeriyoodey qaraxii dhowaan ka dhacey agagaarka gurigii Hooyooyinka ee Magaalada muqdisho ee lagu laayey dad badan oo birimageydo ahaa kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qaarka mida wariyaasha Muqdisho iyo dilalkii kale ee qorsheysnaa ee ka dambeeyey taasoo ay ku tilmaameen fal wuxushnimo ah ah iyagoo tusaale u soo qaateen Wariye Cabdixakiin Cumar Jimcale oo ka mid ahaa wariyaashii xalay sida weyn uga shaqeynayey xaflada oo ay kooxaha Alshabaab horey ugu dileen magaalada Muqdisho iyagoo meyd ahaan uga tagey.

Guud ahaan xafladaan oo la dhihi karo waxay aheyd mid aan loo kala harin waxey ku soo gabgabowdey jawi aad u qurux badan.










Fardowsa Sh Hassan Kuria

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)